Baarlamaanka Boqortooyada dalka Ingiriiska oo diiday in lagu duulo dalka Syria.

Baarlamaanka IngiriiskaBaarlamaanka wadanka ingiriiska ayaa gaashaanka u daruuray qorshe ay dawladda Britain waday oo taageero loogu raadinayay in duulaan lagu qaado dalka Syria.

Baarlamaanka Ingiriiska 1Baarlamaanka Ingiriiska 2

Kulanka Baarlamaanka Ingiriiska ku yeeshay Xaruntooda magaalada London oo ay kaga doodeen doorka ay dawlada ingiriisku ka qaadan karto weerar lagu qaadayo dawlada Syria ee uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad oo lagu eedeeyay in ciidamaduusu hub Kiimikaal ah u adeegsatay dad rayid ah.

Xildhibaanno gaaraya ilaa 272 oo ka mid ah baarlamaanka Ingiriiska ayaa diiday in Ingiriisku uu Maraykanka ku garab siiyo dagaalo Syria lagu qaado.

War ka soo baxay Xarunta Pentagon ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Mareykanku uu kaligiis qaadi doono weerar ka dhan ah dawlada Syria.

Wax yar kadib markii uu soo baxay go’aanka Baarlamaanka Ingiriiska ee ahaa diidmada qayaxan ayaa waxaa  xog’hayaha difaaca ee Maraykanka Jaak Haygal uu sheegay inay kaligood fulin doonaan howlgalka ka dhanka ah dawlada Syria.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: