Golaha Wasiirrada Somalia oo Ansixiyay Heshiiskii Dowladda iyo Maamulka Jubbooyinka ay ku gaareen Addis Ababa

Golaha_Wasiirada.jpg1Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta ansixiyay heshiiskii ay dowladda Somalia iyo maamulka Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis  Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo sidoo kalena ay wasiirradu ansixiyeen qorshaha uu booliiska Soomaaliya ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

Wasiirada_DFS_Ansixin_heshiis.jpg1

Kulanka oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga looga dhageystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo xusay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa tilmaamay in kulanka golaha diiradda lagu saaray amniga, ayna ka doodeen heshiiskii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhex-maray dawladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Jubba, waxayna golaha wasiirrada soo dhaweeyeen isla markaana ansixiyeen heshiiskaasi.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay ansixiyeen qorshaha booliiska ee afarta sano ee soo socota ay ku shaqeyn lahaayeen, kaasoo ah qorshe lagu horumarinayo tirada, tayada iyo tababarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee ka howlgala dhammaan gobolada dalka.

Wasiirada_DFS_Ansixin_heshiis

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo uu hoggaaminayay danjire Waliid Muuse oo ka socday waaxda ciidanka nabad-illaalinta Qaramada Midoobay iyo danjire Maxamed Saalax Al-nadiif, waxayna ka wada-hadleen arrimo quseeya sidii loo ballaarin lahaa howlgalka nabad-illaalinta AMISOM.

Gabagabadii kulankan ayuu afhayeenka xukuumaddu sheegay in wufuuddan ay shir wada-qaateen ra’iisul wasaaraha ayna ka hadleen sidii loo ballaarin lahaa howlgalka AMISOM, looguna bedeli lahaa mid ku howlgala magaca Qarammada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxay socdaallo ku tegi doonaan gobolada dalka qaarkood iyagoo u kuurgalaya howlgallada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda eek u sugan deegaannada ay ka mid yihiin: Beledweyne, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: