Qaar ka mid ah Beelaha dega Dooxada Jubba oo shirka Addis Ababa u Aqoonsadeen inuu dhex marayo Beel iyo Dowlad.

shirka-jubbaland Addis AbabaWadahadaladii Dowladda iyo Jabhadda Raaskiyambooni ayaa wuxuu galay weji Cusub, waxaana xaaladu markii hore ahayd, mid degan oo ku eg  maamulka Jubbooyinka Garabka Axmed Madoobe iyo Dowladda.

Balse sida aanu warar lagu kalsoon yahay ka helnay, ay sheegayaan in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo debidaba, ay awooda saareen inaysan suurta gelin wadahadalkaas.

Geedi socodka Wadahadalladan ayaa waxaa loo arkayey in Kooxda Axmed Madoobe ay markii hore ka go’nayd inay wadahadalka  ka miro dhaliyaan, taasoo keentay in iyaga iyo dowladduna ay isu soo dhawaadaan, xurguftooduna dhammaato, balse waxaa is bedelay mar keliya dareenka laga qabay kooxdan oo  arrinka u bedeshay sidii laba dowladood oo ku heshiinaya Xuduud iyo gobollo ay ku muransan yihiin.

Arrintan ayaa ah mid ay ka soo shaqeeyaan, Ragga qaar ka mida Ergada oo aan la garanayn wejiga ay ku joogaan, Sida Cumar Cabdirashiid , iyo Gaandi oo aan midkoodna ka tirsanayn maamulka.

Sida lagu soo warrmayaa waxaa daaha gadaashiisa taagan, Prof Galayr, oo isna ka shaqeynayo sidii wadahadalka u burburi lahaa, hase ahaatee arrintan ayaa waxay beelaha dega Dooxada Jubba u arkaan inay tahay Wadahadal dhexmaraya hal Beel iyo Dowlad,  waayo ma jiro cid ka socota beelaha kale ee deegaanka oo ku jirta maamulka ay doonayaan in la Aqoonsado.

Sidoo kale waxaa Dowladda xariir badan la soo sameeyey dhammaan beelaha degan Jubbooyinka gaar ahaan jubbada hoose (Kismaayo) oo aad uga biyo diidan in Beel keliya la siiyo mudnaanta kuwa kalena laga dhigo waxaan jirin. 

Dhanka kale dheriga labada  dhinac  dabku kaga baxayo ayaa haddana, Bulshada Soomaaliyeed oo dhami quud daraysanaysaa, in uu ka soo baxo wax la dheefsado oo lagaga gudbo dhibaatada is afgaranwaaga ah ee Soomaaliya daashatey.

 Si kasta ha ahaatee wadahadallada waanwaanta ah ayaa dadka badankoodu soo dhaweynayaan, iyadoo haddana la ogyahay inay lug ku leeyihiin wadamada deriska ah oo aan daacad ka ahayn Arrinta Soomaaliya.

Ugu dambayn ma jirto ilaa iyo hadda Natiijo la gaaran, Qodobada laysku mari la’ yahayna waxaa ka mida,  Aqoonsiga Jubbaland, gacan ku haynta Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha, iyo wax ka bedelida, waxyaabihii Kooxda Raaskambiooni.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: