Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay qabanayso shirweyne looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda Dalka.

Afhayeenka dowladdaDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in bisha September ee soo socota la qaban doono shirweyne Qaran oo socon doona muddo shan maalmood ah si bulshada looga qayb-geliyo siyaasadda dalka.

Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabinayso shirweyne Qaran oo lagu qaban doono Muqdisho inta u dhaxeysa labada illaa lixda bisha September, kaasoo loogu gogol-xaarayo sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa sanadaha soo socda nidaamka doorasho oo xorta ah.

Inj. Yariisow oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay in horraanta September Muqdisho lagu qabto shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo sidii loo meel-marin lahaa wixii lagu ballamay oo ah inay Soomaaliya ka dhacaan  doorashooyin xor ah. Shirkan ujeeddooyinkiisu waxaa ka mid ah in dowladdu ka qayb-geliso arrimaha siyaasadda bulshada Soomaaliyeed”.

Afhayeenka Madaxtooyada wuxuu hadalkiisa ku daray in shirkaas looga hadli doono qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u habeynta iyo dhaqan-gelinta dastuurka, in dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, xoojinta hay’adaha dowladda,  hirgelinta federaalka iyo sidii awoodaha loo qaybsan lahaa. Afhayeenka wuxuu xusay in shirka la keeni doono khubaro arrimaha looga hadlayo ku takhasusay.

Sidoo kale, Shirkan ayaa la sheegay inay ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, uuna ka mid noqon doono shirarkii horay loogu qabtay dalka, si shacabku ay aragtidooda uga dhiibtaan fulinta qodobbada horyaalla dowladda.

Sida runta ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkan magaalada Muqdisho ku qabanatay shirar kala duwan oo looga hadlayey arrimo ay ka mid yihiin garsoorka dalka iyo waxbarasha kuwaasoo ay kasoo baxeen qodobbo dhowr ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: