Wasiirka warfaafinta oo ku dhawaaqay in shirkaddii duulimaadyada Somali Airline dib loo howlgelin doono dabayaaqada Sanadkan.

Wasiirka_Warfaafinta.jpg4Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in Seddexda Bilood ee ugu dambeeysa sanadkan dib loo howlgelin doono Shirkaddii Duulimaadyada ee aynu laheyn ee Somali Airline ayadoo markalena ay Xukuumaddu ku celisay baaqii ku aadana in dadka deggan xarumaha Shirkadda Somali Airline ay banneeyaan si loogu shaqeeyo.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa ku dhawaaqay in shirkaddii duulimaadyada Somali Airline dib loo howlgelindoono dabayaaqada Sanadkan,  isagoo intaa ku daray in hadda ay diyaar yihiin ilaa iyo Afar diyaaradood  iyo qeyb ka mid ah shaqaalihii ka howlgeli lahaa isagoo hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doono.

“Afar diyaaradood ayaa hadda ballan-qaad u haysanaa inaan ku howl-galino  Somali Airline, waxaan rajeynayaa in sannadkan inta aanu dhammaan aanu howl-gelinno, sida qorshuhu yahay hadduu Alle idmo,” ayuu yiri Ciilmooge.

Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlayey howlgelinta shirkaddaas wuxuu yiri: ‘’Dadaalkaasi meel fiicanbuu ino marahayaa haddaan ku hormaro Somali Airlines ilaa iyo Afar diyaaradood ayaan hadda balanqaad u heysanaa in ay howlgalaan,  waxaan rajeyneynaa sanadkan oon dhamaan inaan howlgelino Somali Airlines sida hadda uu qorshuhu yahay idanka ilaaheey duuliyayaalna wey noo joogaan wadanka oo liiskoodaan helnay’’.

Wasiirka ayaa mar kale ugu baaqay dadka deggan xarumaha shirkadda Somali Airlines ee Muqdisho iney isaga guuraan si loogu shaqeeyo,  isagoo xusay in wasaarada ay ka go’antahay sidii xarumahaasi dib loogu howlgelin lahaa.

Dhanka kale Mudane Ciilmooge ayaa tilmaamay in dib u howlgelinta shirkadda duulimaadyada ee Somali Airlines ay soo celin doonto heybadii iyo karaamadii ay Soomaaliya ku laheyd duulimaadyada caalamiga ah,  wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadaalka ugu badan ay ku bixindoonaan dib u howlgelinta shirkadii Somali Airlinens 22 sano kadib.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: