Masjidka Turkiga ee magaalada Zürich oo shalay galab lagu qabtay Muxaadaro Diini ah oo gundhig u aheyd dembiyada ay keeni karto Isha qofka.

Muxaadaro1.jpg2Waxaa shalay galab oo Axadda ahayd taariikhduna ku beegneyd 25.08.2013, ka dhacay Masjidka Turkiga ee Magaalada Zürich Muxaadaro Diini ah oo loogu hadlayey dembiyada ay keeni karto Isha qofka iyo Dacwada Islaamka, waxaana Muxaadaradaas bixinayey Sheikh Cabdulqaadir  Cali Canbe oo had iyo jeer noogu  yimaada magaalada London ee dalka Britain. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

PICT0071

Sheikh Cabdulqaadir Cali wuxuu si waafi u micneeyey dembiyada ay keento Isha, wuxuuna dadkii dhegeysanayey u caddeeyey in Ishu ay ka mid ah Xubnaha sida ugu fudud dembiyadu u gesho, balse wuxuu ka digay daawashada Telefeeshinka iyo Baraha Internedka, gaar ahaa Bogagga Bookface-ka iyo Tuwiter-ka, kuwaas oo la soo geliyo waxyaabo lagala kulmaayo dembiyo culculus.

Muaxaadaro3

Guud ahaan Muxaadarada Sheikhu waxay ku saleysneed Alle ka Cabsiga, wuxuuna ka soo qayb galayaasha ku baraarujiyey in qof kasta lagula xisaabtamayo xaaladda uu ku dhinto,Tusaale ahaan isagoo qofka uu dhex jiro Cibaadeysi ama Macsiyo, sidoo kale wuxuu sheegay in Alle ka Cabsigu uu qofku ku ilaalin karo Naftiisa, wuxuuna sheegay in Allaah uu Adoomadiisa uu Dulmin balse ay iyagu naftooda dulmaan, sidoo kale Nabigeennu Suubanaa CSWS wuxuu Umaaddiisa u kala caddeeyey Wadada toosan uu qofka ku mutaysanayo sidii Jannada u geli lahaa iyo Wadada qofka ku mutaysan karo inuu galo Cadaabta.

Muxaadaro3

Si kasta ha ahaatee Sheikh Cabdulqaadir wuxuu Soomaalida kula dardaarmay inay qabsadaan xariga Ilaahay ayna ka adkaadaan hayi raaca naftooda, kuna dadfaalaan Salaada oo Waqtigeeda la tukto, taasoo qofka Muslimka ka ilaalinayso Xumaha Sheydaanka la rabo.

Sidoo kale Sheikh Cabdulqaadir wuxuu si kooban uga hadlay Dacwada Diinta Islaamka, wuxuuna Soomaalidu faray inay ku dadaalaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen dacwada dadka aan kula nool nahay waddankan, taasoo Ajar iyo kheyr badan laga helaayo.

Muxaadaro4

Tan kale waxaa halkaas Sheikh Cabdulqaadir lagu weydiiyey Su’aalo la xiriira Muxaadarridii uu bixiyey, si waafi ahna ugu jawaabay.

Ugu danbeyntii waxaa Kulankii shalay ee kheyrka badanaa ee ka dhacay Masjidka Turkiga ku dhamaatay si wanaagsan, halkaas oo laga soo jeediyey ducooyin loo ducaynayo guud ahaan Muslamiint,  gaar ahaan Soomaalida meelkastoo ay joogaan.

Muxaadaro1.jpg2Muxaadaro1SomaliSwiss    Zürich

Somaliswiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: