Tahriibayaal Soomaali u badan oo ay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ka soo bad baadiyeen badda Mediterranean.

TahriibSida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Taliyaaniga in Ciidamada illaalada xeebaha dalka Talyaaniga ay ka soo sanmata bixiyeen in ka badan 200 oo ruux oo tahriibayaal Soomaali u badan odoonyihii ay la socdeen kula ciladoobeen xeebaha wadanka Talyaaniga.

War ay tabiyeen warbaahinta dalka Talyaanig ayaa waxaa lagu sheegay in dadka tahriibayaasha ah ee la bad baadiyay ay tiradooda gaarayso 116 oo badidooda ay yihiin Soomaali, kuwaas oo laga helay xeebaha jaziiradda Sicilia, kadib markii ay cilad ku timid doonyo ay dadka ka raaceen xeebaha dalka Libya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in tahriibayaashaan African ah ay la socdeen markii la bad baadinayay doon caag ka sameysan waxaa la geeyay xero la geeyo dadka magan galyo doonka ah oo ku taala jaziirada kale ee Lampedusa.

Ciidamada ciidamada badda ee Midawga Yurub ayaa iyana sheegay inay xeebaha dalka Talyaaniga ay ka qabteen doon kale oo ay la socdaan illaa 100 ruux kuwaasoo lagu wareejiyay ciidamada illaalada xeebaha Talyaniga.

Sidoo kale Dawladda Talyaaniga waxaa ay sheegtay in ku dhawaad (1,000 kun) ruux oo tahriibayaal ah ay todobaadkaan tageen dalka Talyaaniga kadib markii ay mareen safar dheer oo dhanka badda ah.

Dhanka kale Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibbadda Talyaaniga ayaa waxay ku sheegtay in intii u dhaxaysay bilihii August ee sanadkii hore ee 2012 iyo bishaan August ee sanadkaan in dalka Talyaaniga ay ka dageen tahriibayaal tiradoodu gaarayso (24, 277 Afar iyo Labaatan kun labo boqol iyo todobo iyo todobaatan) ruux.

Si kasta ha ahaatee Cimilada badda Mediterranean oo xilligaan moojadaheeda deggan ayaa loo sababeeyay inay kordhaan tirada badda naftooda ku biimaynaya si ay mar uun u tagaan qaaradda Yurub.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: