Qodobadii ugu muhiimsanaa ee laga soo saaray kulankii Shirkadaha Diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya.

???????????????????????????????Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostadda, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiinta ka socotay shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala, waxaana kulankaas looga hadlayay arrimo badan oo la xiriira howlaha duulimaadyada dalka iyo sida loola macaamilo rakaabka  ku safra diyaaradaha.

Hase ahaatee kulankass waxaa ka soo baxay oo maanta la shaaciyey Qodobadii la isku afgartay waxaana ka mid ahaa sidan:

1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.

2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya

3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.

4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: