Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdigii ay Hogaamineysay oo Shalay Gaaray Magaalada Shangahai ee Dalka Shiinaha.

???????????????????????????????Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ahna Ra,iisul wasaaraha ku xigeenka Marwa Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso  ayaa gaartay magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka Shiinaha.

???????????????????????????????

Marwa Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha ee Shangahia ku soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda Shiinaha iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb Yuusuf Dheeg.

Sidoo kale sida ay sheegeen Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka la socda ayaa mudo todobaad ah ku sugnaan doona dalka shiinaha waxeyna la kulmi doonta maalmaha Axada iyo Isniinta Madax sar sare oo ka tirsan dalka shiinaha sida Raisul wasaare ku xigeenka, Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee shiinaha.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay kala hadli doonta Madaxda shiinaha sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dib u dhiska soomaaliya iyo sidii ay u soo celin lahaayeen mashaariicdii horumarinta oo ay ka wadeen Soomaaliya burburkii ka hor.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka,wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud,guriyaynta iyo tamarta diplomaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda soomaaliya iyo xubno ka mid shaqaalaha xafiiska raisul wasaareku xigeenka.

Marwa Fowziya ayaa sheegtay in madaxda Shiinaha ay u gudbin doonta dhanbaal ay ka wado madaxwaynaha Soomaaliya oo ku saabsan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay wax wada qeybsi iyo iskaashi dhex mara labada dal,waxaa kale oo ay raisul wasaare ku xigeenku booqan doonta shirkado gacansi iyo qaab dhismeedka magaalooyinka waaweyn ee dalka shiinaha si Soomaaliya ay fikrad uga qaadato.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku sii hakatay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar waxana ay halkaasi kula kulantay Madax sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibeda dalkaasi oo ay kala hadashay sidii ay dowlada Qatar u laba laabi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,

Si kasta ha ahaatee Madaxda Qatar ayaa wasiirka arrimaha dibada ku amaanay horumarnka ay xukuumada Soomaaliya gaartay mudadii koobnayd oo ay jirtay.

SomaliSwiss      Shangahai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: