Taliska Ciidanka Asluubta oo Farriin u diray dadka deggan Xarumihii Ciidamada Asluubta.

Taliyaha C. AsluubtaTaliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka digay boob lagu hayo xarumihii ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  isagoo ugu baaqay dadka deggan iney banneeyaan xarumaha ciidamadaasi. General Xuseen Xasan Cusmaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira howsha baalaran oo ay ugu qidmeynayaan dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka digay  inay sii degenaadaan dadka shacabka ah xarumihii ay lahaayeen ciidankaasi, isagoo hoosta ka xariiqay inay jiraan dad boob ku haya xaruumahaasi danta guud oo ay lahaayeen ciidanka Asluubta wuxuuna ugu baaqay  inay ka joogsadaan arrintaasi.

General Xuseen Xasan Cusmaan ayaa ka warbixiyay howsha baaxadda leh oo ay ciidamadu u hayaan ummadda, isagoo tilmaamay in heegan ay ku jiraan had iyo jeer Ciidamada oo ay gutaan waajibaadkooda islamarkaana ay sii wadi doonaan howsha quruxda badan oo ay u hayaan dadka iyo dalka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Xuseen Xasan Cusmaan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  iyo maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho si wanaagsan ayay u soo gutaan waajibaadka bishii barkeysneyd  ee Ramadaan iyo Ciidul fidriga, wax hadda ka haleysan ma jiraan waxyaabaha kale ee inoo dhiman dowladeena ayaan ka sugeynaa”.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay waday muddooyinkan ugu danbeeyey howlo balaaran oo ay dadka kaga saareyso xaruumihii danta  guud oo mudadii bur burka dalka uu jiray deganaa kuwaa oo inta badan laga saaray   iyadoo ay mahdiyeen howshaasi  baaxadda leh umadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss            Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: