Mas’uul ka tirsan Ciidamada AMISOM oo sheegay inay Fashiliyeen Weerarro ay Al-shabaab ku qaadday saldhig ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Garoonka_diyaaradaha_Kismaayo.Mas’uul ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ay ku sheegtay in weerarradu ay dhaceen habeenkii ay Arbacadu soo galaysay iyo aroornimadii Arbacada, ayna ciidamadeedu ku guuleysteen inay farshiliyaan weerarradaas.

Al-shabaab waxaa magaalada Kismaayo laga saaray bihsii Oktoobar ee sannadkii 2012, iyadoo dhowr jeer weerarro kusoo qaaday, balse waxaa ka hortagay sida warka lagu sheegay in ciidamada AMISOM ee aaggaas ku sugan.

Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay askar badan kaga dileen AMISOM, iyagana uu kaga dhintay hal ruux.

Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku dagaalamay dhawaan dhinacyado iska soo horjeeda iyadoo mid walba uu doonayay inuu gacanta ku qabto xukunka magaaladaas oo ay ku tuhmayaan ilo dhaqaale oo kala duwan.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalladaas hurintooda ku eedeysay ciidanka Kenya ee AMISOM oo ku sugan Kismaayo, iyadoo dalbaday in la bedelo, inkastoo aan weli war ah oo arrintaan ku saabsan uusan kasoo bixin ururka Midowga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa kumannaan ciidamadeeda ah u soo dirtay gudaha Soomaaliya sannadkii 2011, iyadoo xilligaas ku andacoonaysay inay la dagaalamayaan xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo xuduud-ka-tallow ah. Balse waxay ugu dambeyn ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: