Dowladda Sweden oo Malaayiin Doollar ku bixineysa horumarinta dalka Soomaaliya.

Danjiraha Sweden SomaliaDanjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  Mr. Per Lindgärde oo ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah  oo u dhiganta 46 Milyan USA  Doollar, lacagtaas oo socon doonto illaa sanadka 2013—2017.

Shir sanadle ah ee lagu qabto magaalada Lund oo looga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  Mr. Per Lindgärde, wuxuuna shirka ka sheegay in lacagtaas ay tahay mid ay Sweden uga qeyb qaadaneyso horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo uu dalka Soomaaliya ka baxay marxaladdii KMG ahayd.

Sidoo kale Danjire Per Lindgärde ayaa sheegay si ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagto waxaa loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho waddanka ka dhacda sanadka 2016.

Waxaa kaloo muhiim ahayd ayuu yiri Danjire Per Lindgärde, in dowladda Sweden ay Soomaaliya u magacawday safiir oo magaciisa loogu sheegay Mr. Mikael Lindvall.

Mar wax laga weydiyey Danjire Per Lindgärde sida uu u arkayo Xaaladda Soomaaliya iyo sida ay mar kale cagaheeda isugu taagi karto,  isla markaana ay uga bixi karto dhibaatada muddada dheer ka jirtay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay imaan karto marka la helo dowlad-wanaag, isla markaana la xoojiyo hay’adaha nabadgelyada iyo cadaaladda iyo in dastuurka dib loo eego, loona diyaargaroobo in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya.

Dhanka kale Danjire Per Lindgärde wuxuu intaas ku daray in markii la soo dhisay Dowladda Soomaaliya ay ka soo wareegatay sanad ilaa iyo haddana ay waxyaabo badan u suura galay, wax badanna ay ka dhimin yihiin.

Si kasta arrintu ha ahaatee hadalka Danjire Per Lindgärde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 16-ka bisha soo socta ee September uu magaalada Brussels ee dalka Belgium uu ka furmi doono shir looga hadlayo horumarinta dalka Soomaaliya, kaasi oo la rajeynayo in ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Lund

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: