Bangiga dhexe ee Imaaraatka oo xanibay hanti ay leeyihiin Soomaali iyo Ajaanib oo ah Al-Shabaab iyo kuwo taageera.

cunaqabateynBangiga dhexe ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta ayaa ku soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib iskugu jira in la xanibay hantidii u taalay bangiga kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta. Continue reading

Dowladda Sweden oo Malaayiin Doollar ku bixineysa horumarinta dalka Soomaaliya.

Danjiraha Sweden SomaliaDanjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  Mr. Per Lindgärde oo ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah  oo u dhiganta 46 Milyan USA  Doollar, lacagtaas oo socon doonto illaa sanadka 2013—2017. Continue reading

Mas’uul ka tirsan Ciidamada AMISOM oo sheegay inay Fashiliyeen Weerarro ay Al-shabaab ku qaadday saldhig ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Garoonka_diyaaradaha_Kismaayo.Mas’uul ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo. Continue reading

Taliska Ciidanka Asluubta oo Farriin u diray dadka deggan Xarumihii Ciidamada Asluubta.

Taliyaha C. AsluubtaTaliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka digay boob lagu hayo xarumihii ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,  isagoo ugu baaqay dadka deggan iney banneeyaan xarumaha ciidamadaasi. General Xuseen Xasan Cusmaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira howsha baalaran oo ay ugu qidmeynayaan dadka Soomaaliyeed. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdigii ay Hogaamineysay oo Shalay Gaaray Magaalada Shangahai ee Dalka Shiinaha.

???????????????????????????????Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ahna Ra,iisul wasaaraha ku xigeenka Marwa Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso  ayaa gaartay magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka Shiinaha. Continue reading

%d bloggers like this: