Madaxweynihii hore ee Dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak oo lagu Xukumay Xabsi Guri.

Madaxweyne hosni-mubarakMadaxweynihii hore ee dalka Masar, ayaa lagu xukumay xabsi guri, kaddib markii laga sii daayay maanta xabsigii ku jiray, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Masar.

Mudane Xusni Mubaakar oo cimrigiisa sii cagacageynaya 85-jir ah ayaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in, kaddib markii lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dilal dad badan oo shacab ah intii uu socday kacdoonkii xukunka looga tuurayay sannadkii 2011.

Galkii Dacwadda madaxweynihii hore ayaa dib loo furay bishii May ee sannadkan, iyadoo lagu guuleystay ugu dambeyn in xabsiga laga sii daayo, balse waxaa lagu xukumay xabsi guri aan la shaacin inta uu qaadan doono.

Taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa waxay soo dhaweeyeen Tallaabadan, iyagoo warar ay warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa Masar siiyeen ku sheegay inay ku faraxsan yihiin in xabsiga laga sii daayo.

Wiil dhallinyaro ah oo magaciisu lagu sheegay Maxamed Xuseen oo 30-jir ah, kana mid ah dadka aan shaqeyn ee ku nool Qaahira ayaa wuxuu ku yiri Warbaahinta: “Mubaarak waan jecel nahay,” wuxuuna intaas ku daray: “Iska daaya si sharaf leh haku noolaadeen, waayo 30-sano ayuu xukunka hayay”.

Sidoo kale tallaabadan Mubaakar looga sii daayay xabsiga ayaa qaar ka mid ah shacabka dalka Masar kasoo horjeestay, iyagoo ka dalbaday milateriga in dib loogu celiyo xabsiga, si uu u maro xanuunka dhibaatadii uu geystay.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa dhowr jeer maxkamadda la horgeeyay iyadoo lagu eedeeyay dambiyo fara badan intii uu xukunku hayay, balse garyaqaankiisa ayaa tallaabadan lagu sii daayay soo dhaweeyay kuna tilmaamay mid loo baahnaa.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa weli dalka Masar ka taagan jahwareer weyn oo ka dhashay tallaabadii xukunka dalkaas looga tuuray, iyadoo iskahorimaadyo ay dad badani ku dhinteen ay weli dalkaas ka taagan yihiin.

Hase yeeshee waxaa isna xabsiga loo taxaabay Madaxweynihii lasoo dooray, Maxamed Mursi. wuxuuna weli ku jira xabsi iyadoo dalka uu ku jiro xaalad deg-deg ah. Waxaana tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada cambaareeyay dalalka reer galbeedka iyo kuwa islaamka qaarkood.

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: