Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Xariga ka jaray Iskuul Carruurta wax lagu barayo oo laga hirgeliyay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan_oo_Iskuul_FurayMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray iskuul laga furay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho oo wax lagu bari doono carruur Soomaaliyeed, kaasoo dhismihiisa uu hirgeliyay ururka Midowga Afrika.

Madaxweynuhu oo hadal ka jeediyay furitaankii iskuulkaas wuxuu yiri: “Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurteennuna waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay mustaqbal ifaya u helaan. Waxbarashadu waa iftiin, rajo iyo mustaqbal wanaagsan. Carruurteenna waa kuwii dalkeenna hoggaamin lahaa mustaqbalka”.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Maanta waxaan rabnaa in dalka loo helo mashaariic fara badan oo dib loogu dhisayo, sida mashaariicda waxbarasho, caafimaad, adeegyada bulshada iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhallinyarada Soomaaliyeed. Dhawaan waxaan Brussels ka dhici doona shir ay ku dhan yihiin mashaariicdii dalkan dhan dib loogu dhisi lahaa, si dalku horumar u gaaro.”

Mudane Maxamed Saalax Anaadiif oo ah Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qorshayaasha AMISOM ay dalka u joogaan aysan ahayn oo keliya inay la dagaalamaan kuwa nabadda diidan, balse ay ka shaqeynayaan horumarinta bulshada.

“Qorshaha AMISOM ay halkan u joogto ma ahan oo keliya in dowladda ay ka caawiso dagaallada ay kula jirto kuwa nabadda diiddan, balse waxaa ka mid ah in la fuliyo qorshayaal bulshada wax u taraya,” ayuu yiri Anaadiif.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Daaci) oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu soo socday muddo saddex sano ka badan, lagu guuleystay in la furo maanta, isagoo ku xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideyso aqoonta laga bixinayo.

Dhismaha iskuulkan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay bixisay dowlad reer Yurub ah taasoo lagu sheegay inay ka badan tahay 147,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo laga furo magaalada Muqdisho si ay caruurta Soomaaliyeed wax ugu bartaan.

Dhanka kale Madaxweynaha oo furayaashii iskuulkaas uu ku wareejiyay ErgaygaMidowga Afrika ayaa isaguna wuxuu ku wareejiyay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, isagoo ku boorriyay inay wax ugu qabto shacabka Soomaaliyeed haddii ay wax ku qaban waydana looga qaadi doono furayaasha sida loogu wareejiyay maanta.

Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siisay waxbarashada, maadaama ay carruurta Soomaaliyeed intooda badan aysan helin fursad waxbarasho, waana sababta ay dowladdu u leedahay hami ah in hal milyan oo carruur ah ay helaan waxbarasho tayeysan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: