Sheikh Fu’aad Shangole oo sheegay inay go’aansadeen joojinta garaacii ay dadka garaaci jireen ayna bilaabeen indadka ay baraan diinta Islaamka.

Sheikh ShongoleSheikh Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa sheegay inay go’aansadeen joojinta garaacii ay dadka garaaci jireen ayna bilaabeen inay dadka baraan diinta Islaamka.

Warku wuxuu intaa uu ku daray in Sheikh Fu’aad Shangole uu hadalkan ka sheegay kulan uu gobolka Shabeellada Hoose kula qaatay waxgrad kasoo jeeda deegaannada gobolkaas, isagoo xusay in go’aankoodu uu yahay in ay dagaalka ballaariyaan.

Sheikh Fu’aad Shangole oo ka hadlayey wuxuu yiri: “Annagu waxaan go’aansannay inaan joojinno garaacii aan dadka ku garaaci jirnay diinta, waxaana taas ku bedelany inaan diinta barno, iyaga ayaana naga hormari doona markii ay dhadhamiyaan macaanka diinta,” ayuu yiri

Sidoo kale, wadaadkan ayaa  ku boorriyey odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay inay kala qaybqaataan dagaalka ay ku jiraan iyo xaqiijinta hadafkooda oo sida uu sheegay ah in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay meel walba gaarsiiyaan.

Sheikh Fu’aad Shangole wuxuu sheegay inuu ka mid yahay dadka uu Mareykanka wuxuu yiri: “Waxaan ka mid ahay anigan maskiinka ah dadka uu raadinayo Mareykanka oo i dul-dhigay Shan milyan oo Doollar. Aniga waxaan soo qabashada Obama ku xiray 10 geel ah,” ayuu yiri

Ugu danbeyntii Sheikh Fu’aad wuxuu sheegay in la arki doono iyadoo calanka Islaamku uu ka taagan yahay dalka Mareykanka, isagoo tilmaamay in hadafkooda ay arintaasi qayb weyn ka tahay.

SomaliSwiss     Media

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: