Munaasabad tababar loogu xirayey shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee Soomaaliya, ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalalada Muqdisho, iyadoo tababarkaasi uu socday Saddex maalin, kaas oo lagu qabtay Xarunta hey’adda wadahadalka Bulshada ee CRD.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay hey’adda wadahadalka Bulshada ee CRD, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya .
Shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxay tabarkan ku qaateen duruus ku saabsanaa arrimaha la xiriira maamul dhisida iyo dib u hishiiisiinta, oo waayadii ugu dambeeyay ay ku mashquulsaneyd Wasaaradda, iyadoo ay soo dhaweeyeen shaqaalahii ka faa’ideystay Tababarka loo qabtay, waxaana ay sheegeen in wax badan ay ka kororsadeen intii ay ku gudo jireen qaadashada casharadii la barayay.
Agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumadda dalka Mudane Boqor Muuse Abshir Cabdi oo ugu horeyntii munaasabadaas ka hadlay, ayaa wuxuu mahadceliyay macalimiinta bixinayay inta tababarka uu socday casharada iyo shaqaalihii ka faa’ideystay, waxaana uu sheegay inay sii wadayaan tababarada noocaan oo kale ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Munaasabadda soo gunaanaday ayaay wuxuu faah faahin ka bixiyay qaabka ay u dhismayaan maamulada gobalada iyo degmooyinka dalka, isagoo sheegay marka maamul la sameynayo lagala tashto dadka deegaanka sidaasi ayaa loogu magacaabaa qof ay isku raacaan.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya oo ka hadlayey dhismaha maamulada wuxuu yiri : “Maamulada marka la dhisayo waxay ku dhismayaan sida casharada aad ku qaadateen, waxaa la soo xulayaa 100 ruux oo isugu jira ganacsatada, odayaasha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa u furmaya shirweyne ay kaga hadlayaan baahida ka jirta degmada iyo gobalka mudada soo socoto oo loo sheegayo maamulka la magcaabayo si loogu xisaabtamo waxyaabihii loo sheegay in wax ay ka qabteen iyo inkale, marka heerkaasi uu dhamaado waa inay soo xulaan golihii deegaanka ay degmadu yeelan laheyd”.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ayaamihii ugu dambeeyay uu waday howlo balaaran oo ay ku hormarineyso shaqaalaha wasaaradda iyo maamulada dalka, waxaana soo dhaweeyay arinkaasi bulshada qeybaheeda kala duwan.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.