Wasiirka Warfaafinta oo ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay Ka qayb-qaataan dib U dhiska Dalkooda.

Wasiirka_WarfaafintaWasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii looga badbaadin lahaa marxaladda uu dalka ku jiro.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in doorka ugu weyn ay qaadan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkooda ay ku nool-yihiin dalka dibeddiisa, wuxuuna sheegay in ay jiraan fursado waa weyn  oo ay ka faa’ideysan karaan, si ay wax u taraan waddanka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa hoosta ka xariiqay in lagu jiro waqtigii aan loo kala hari lahayn sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa beri hore sidii ay ahaan jirtay, maadaama dalka uu ka soo kabanayo Burburkii horey u gaaray .

Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa hadalkan waxa uu u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa kaloo uu wasiirka sharraxaad dheer ka siiyey Jaaliyadda guulaha ay dowladda gaartay mudada ay shaqeyneysay, waxaana dalalka ay Soomaalida ku badanyihiin ka socda olole ay uga qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalka.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: