Wafdigii Uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Saakay Dib Ugu Laabtay Dalka.

Guddoomiyaha Barlamaanka.jpg4Wafdigii Uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Saakay Dib ugu Laabtay Dalka, wuxuuna maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii muddo ku dhow todobaad uu booqasho ku joogay dalka Uganda.

Sida aad ula socotaan Guddoomiyaha ayaa magaalada Kambala wuxuu heshiis kula soo saxiixday barlamanka wadanka Uganda kulamana la soo qaatay madaxweynaha dalakasi ayaa markii uu soo degay waxaa si weyn usoo dhaweyay mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaliyeed.

Sidoo kaleKu xigeenka gudoomiyaha gudiga arimaha dibeda ee barlamanka Soomaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay munaasabad kooban oo garoonka loogu sameeyay gudoomiyaha ayaa ku amaanay howsha taarikhiga ah ee uu soo qabtay heshiiska waxwadaqabsi ee ay gaareen Baarlamannada Labada dal.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goor dhow uu bilaaban doono hirgelinta heshiiska ay gaareen Baaralamanak dalkeena iyo kan Uganda islamarkaana xubno ka socda barlamanaka Uganda ay dhawaan imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Dowlada Uganda ayaa waxay saaxiibo dhow la tahay Soomaaliya iyadoo  aheyd dalkii ugu horeeyay ee ciidamadiisa usoo dira Soomaaliya si ay usoo celiyaan rajada dadka Soomaaliyeed looguna soo dabaalo nabad, iyagoo qeyb weyn ka qaadatay nabadeynta iyo ka xoreynta argagaxisada dalekenna .

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: