Dowladda Turkiga oo shaacisay inay tababarro siinayso ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya .

Madaxweynayaasha Somalia & TurkiyaDowladda Turkiga ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso adkeynta ammaanka iyo dib u dhiska haya’daha amniga kaddib markii Al-shabaab ay weerarro la beegsaday shaqaalaha Turkiga ah ee samafalka u jooga Soomaaliya.

Turkiga ayaa sheegay inuu tababarro siinayo ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka Qaranka ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxay sannadkii 2010 kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in labada dal ay iska kaashadaan tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya taasoo baarlamaanka Turkiga uu meel mariyay bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay, halka baarlamaanka Soomaaliyana uu ansixiyay bishii July ee sannadkan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Maxamed Sh. C/raxmaan oo la hadlay wargeyska Today Zaman ee kasoo baxa dalka Turkiga ayuu yiri: “Iskaashigan waa mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya kaddib muddo 22 sano ah oo deggenaasho la’aan ay ka jirtay dalka geeska Afrika ku yaalla. Turkigana wuxuu diyaar u yahay inuu caawiyo shacabka Soomaaliya”.

Safiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Soomaaliya ayaa muddo sannado ah la dhibaateysnayd deggenaasho la’aan. Turkiga wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.”

Sidoo kale Prof. Gokhan Bacik oo maadada xiriirka caalamiga ah ee ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Turkiga ayaa sheegay in tallaabada uu Turkiga qaatay ee uu ku sheegay inaysan waxba iska bedeleyn Kaalmeynta Soomaaliya ay  tahay mid geesinimo ah.

Prof. Bacik wuxuu si cad u sheegay uuna ku yiri: “Fariinta Turkiga waa mid caddeynaysa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya caawiyaan,” wuxuuna intaas ku daray in tani ay xoojin u tahay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo walaalo ah.

Dhanka kale Agaasimaha machadka cilmi-baarista iyo falanqeynta ee Heritage. Cabdi Caynte ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca ammaanka ah ee Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid muhiimad u leh dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi Caynte oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo taag-daran 22-ki sano ee lasoo dhaafay. Qorshaha uu Turkiga gacanta uga geysanayo dhismaha hay’adaha ammaanka Soomaailya waa mid muujinaysa daacad-nimada uu ku caawinayo shacabka Soomaaliya”.

SomaliSwiss      Istanbuul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: