Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Beesha Habar Gidir & Xasan Daahir Aweys.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpg1Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay odayaasha Beesha Habar Gidir iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, shirkaas oo looga hadlayey dhowr qodob oo la xiriira arrinta Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Shirkan oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa ka horeeyey kulan ay dhawaan yeesheen xubnayaal ka kala socday dawladaha Mareykanka, Qadar Turkiga,Norway,Dawlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Shirkaasi oo socday shalay ilaa xalay 10-ka fiidnimo ayaa waxa la isku mari waayay qodobadii looga doodaayay, kadibna waxa la isugu tagay Guri ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo halkaasi laga soo jeediyay in Xasan Daahir uu ogolaado laba qodob oo kala ah:

1-Inuu Cadeeyo islamarkaasna ku dhawaaqo inuusan ka mid ahayn Xarakada Al -Shabaab.

2- Inuu isaga baxo dagaaladii uu ku jiray dowladda iyo Ciidamada AMISOM, islamarkaana uu siyaasadda dalka u maro waddo wanaagsan.

Horjooge Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxaa la hordhigay Qodabadaas oo laga soo saaray Shirkii ka dhacay Safaarada dawlada Norway ay ku leedahay Magaalada Nairobi dhawaan, Waxayna Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in Xasan Daahir Aqoonsado jiritaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Odayaashii Beesha H/Gidir ee ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in Xasan Daahir qudhiisa uu kulankaasi ka soo jeediyey in la magacaabo Guddi culimaa’udiin iyo abuukaatoyaal iskugu jira si arinta loogu eego Diiniyan iyo Sharci ahaan.

Sida laga warqabo shirkan ma ahan kii ugu horreeyey, balse wuxuu ahaa kii ugu waynaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh, odayaasha Beesha Habar Gidir iyo Xasan Daahir Aweys wada yeeshaan, iyadoo la sugaayo gudigii loo magacaabi lahaa xalinta khilaafkaasi, hase yeeshee Xasan Daahir ayaan weli aqoonsanayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: