Saraakaal u hadlay Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqay inay sii wadayso howlaha Samafalka ah ee ay ku siinayso Shacabka Soomaaliyeed.

Shirka_Turkiga_ee_Somalida4Saraakaal u hadlay  Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay sii wadayso howlaha samafalka ah ee ay ku caawinayso Soomaaliya, kaddib markii hay’adda MSF ay maanta joojisay dhammaan gargaarradii ay dalka Soomaaliya ka wadday, kaddib markii ay sheegtay in shaqaalaheeda si toos ah loo beegsado.

Sidoo kale Saraakiisha howlaha Samafalka ka wada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen  in howlaha samafalka turkiga ee Soomaaliya ay sidoodii u sii socon doonaan, inkastoo mid ka mid ah saraakiishooda lagu dilay Soomaaliya kuwo kalena dhaawacyo loogu geystay.

Saraakiisha Turkiga ah oo la hadlay wargeyska Hürriyet Daily News ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa waxay yiraahdeen: “Nooma Muuqato sabab nagu qasbaysa inaan niraahno weerarro naglu soo qaaday ayaan u joojinaynaa gargaarkii bani’aadamnimo ee aan Soomaaliya ka bixinno. Howsha gargaarka waan sii wadaynaa maadama xaaladda amni ee dalka ay tahay si soo wanaagsanaanaysa, tan iyo markii weerarka lagu qaaday qunsuliyaddeenna”.

Dalka Soomaaliya waxaa jooga hay’ado iyo shaqaale fara badan oo Turkiga ah ee ka shageeya  gargaarka samafalka, kuwaas oo ka shaqeeya dib u dhiska isbitaalladii burburay, iskuullada iyo caawinta caruurta agoonta ah.

Sidoo kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kuwa safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa haddana waxay Turkiga ku eedeysay inay u adeegayaan reer galbeedka, iyadoo ugu baaqay inay isaga baxaan Soomaaliya, haddii kale ay weerarro la kulmi doonaan.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa billowday ololaha ay ku caawinayso Soomaaliya 2011 markaasoo uu Muqdisho tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoga oo ay la socdaan wasiirro iyo qoyskiisa.

Kaalinta Doeladda Turkiga ay ka qaaday gacansiinta bulshada Soomaaliyeed. Gaar ahaan waxaa xusuus mudan kaalinta Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines oo ah shirkaddii caalmi ah ee ugu horreyntii ka howl billowday Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib, waxaana garoonka diyaaradaha dhawaan lagu wareejiyay shirkad Turki ah oo dib u dhis iyo  casriyeyn ku sameyn doonta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: