Lacag Shilin Somali ah oo been Abuur ah oo Maanta lagu qabtay Kantaroolka Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Gobolka Bari.

LacagCiidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay lacag been abuur ah oo kor u dhaafeysa boqol milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

Lacag.jpg2Lacag.jpg1

Mudane C/raxmaan Xaaji Xasan oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Puntland shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Bankiga dhexe ee Puntland -laantiisa magaalada Boosaaso- ayaa ka warbixiyey lacagtan iyo weliba qaabkii loo qabtay.

Wasiirka wuxuu sheegay in lacagtan oo lagu soo qariyey fuusto dhexdeed ay ciidamada kantaroolku ku guuleysteen in ay qabtaan. Mudane Xaaji Xasan ayaa intaas raaciyey in tiro ahaan lacagtani ay dhan tahay 100,000,000 (boqol miyan).

Sidoo kale Wasiirka Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in lacagtan oo ka timi dhinaca gobollada dhexe ee dalka, ay bilihii u danbeeyey si aad ah usoo geleysey deegaanada Puntland. Dhowr qof oo lacagtan wadey ayuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay in arintan ay horay go’aan adag uga qaadatay, islamarkaana ay ka go’an tahay in lacagaha noocan ah laga ilaaliyo suuqyada Puntland, maadaama ay sicir barar keeni karaan.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli bilihii u danbeeyey ganacsatada Puntland ay kasoo yeereysey qaylo dhaan ku aadan lacago badan oo faalso ah oo suuqa soo galay.

Balse ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Boosaaso lagu qabto lacago been abuur ah oo intaas tiro le’eg, haseyeeshee waxaa xusid mudan in hadda kahor gacanta lagu dhigay lacago faalso ah oo isugu jirey Doolar iyo Shilin Soomaali.

SomaliSwiss        Bosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: