Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo shaacisay inay joojineeysa howlihii ay ka heeysay dalka Soomaaliya.

Hay'adda MSFHay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa shaacisay in ay joojin doonto howlihii ay ka heysay Soomaaliya, iyadoona arintaasi lagu wargeliyay shaqaalaha hay’adda ee ku kala sugan gobollada dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Saraakiisha caafimaadka ee hay’adda MSF ee sugan gobolka J/hoose ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in hay’adda MSF ay ku wargelisay shaqaalaheeda gobollada dalka Soomaaliya in 16-ka bishan aynu ku jirno ay joojin doonto guud ahaan adeegyadii dhanka caafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya.

Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in 16-ka bishan ay xiri doonto dhamaan xarumihii ay ku lahayd Soomaaliya, waxayna sheegtay  in gudaha Soomaaliya lagu dhibaateeyay  islamarkaana loogu geeystay dilal iyo afduubyo.

Sarkaal ka mid shaqaalaha hay’adda MSF ee sugan gobolka J/hoose oo ka hadlayey arrintaa ayaa wuxuu yiri:  “Maamulka sare ee hay’adda ayay warqad nooga timid, waxaa nalagu wargeliyay in 16-ka bishan ay hay’addu joojin doonto dhammaan adeegyadii ay ka waday Soomaaliya”.

Dhanka kale Hay’adda MSF ayaa ka howlgasha gobollo badan oo ku yaala dalka Soomaaliya, waxaana gobolka J/hoose ay ku leedahay isbital weyn oo lagu daweeyo bukaanada kala duwan oo ku yaal deegaanka Mareereey ee gobolka J/dhexe iyo xarun lagu quudiyo carruurta ay nafaqa darrada heyso ee shanta sano ka yar taasoo ku taal degmada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Si kasta ha ahaatee ilaa iyo haatan hay’adda MSF si rasmi ah ugama hadlin ka bixitaankeeda dalka iyo weliba sababaha keenay, haseyeeshee hadii hay’addu ay Soomaaliya isaga baxdo waxa ay saameyn ballaaran ku yeelan doontaa dad aad u badan oo ka faa’iideysan jiray adeegyadii kala duwanaa ee ay qaban jirtay.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: