Waxaa shalay magaalada Kampala ku Kulmay Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyeyaasha guddiyada Baarlamaanka dalka Uganda, waxayna kulamadaasi ay ahaayeen kuwo qibrad isweeydaarsi ah.
Sidoo kale Kulamadan oo ay yeesheen guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka dhacay magaalada Kampala shalay gelinkii dambe, waxayna kulamadaas ay ahaayeen kuwo inta badan la isku weydaarsaday aqoon iyo Khibrad ku saabsan howsha guddiyadaasi, waxana guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee Labada Baarlaman uu wada hadalkoodu ku qotamay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta howlaha guddiyadaasi.
Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka Qaranka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa waxay sheegtay in wadahadal iyo aqoon isweydaarsi heer sare ah la qaadatay guddiga ay la kulantay ee Barlamanka Uganda.
Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga Beeraha ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo kulan la qaatay dhiggiisa Baarlamanka Uganda ayaa tilmaamay in kulankii uu la qaatay guddiga Beeraha Baarlamanka Uganda uu ahaa mid ku qotomay Qibrad isweydaarsi, maadaama dalka Uganda uu ka mid yahay wadamada Africa ee dhaqaalohoodu ku tiirsanyahay wax soo saarka Beeraha.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Kulamadan ay yeeshee guddiyada joogtada ah ee labada Baarlaman ee Uganda iyo Soomaaliya ay bilow u tahay dhaqan gelinta hesahiis mataaneyn ah oo magaalada Kampala ay shalay ku kala saxiixdeen guddoomiyayaasha Baarlamannada labada dal Soomaaliya iyo Uganda.
SomaliSwiss     Kampala
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.