Dalka Masar oo la geliyay Xaalad deg-deg ah iyo Iska-horimaadyadii Maanta dhacay oo khasaare aad u ba‘an ka dhashay.

Egypt.jpg4Waxaa dalka Masar maanta gellinkii dambe la gelisay xukun deg-deg ah, sidaas waxaa ku dhawaaqay Dowladda KMG ee dalkaas, kaddib markii Arbacada maanta ah ay dhaceen dalkaas rabshado dhaliyay khasaare soo gaaray dad isugu jira shacab iyo askar. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Egipt ProtestEgipt Protest.jpg1

Xukunkan deg-degga ah ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xasilinayo dadlkaas, inkastoo aan la sheegin inta uu qaadanayo, waxaana xukuumaddu ay sheegtay in khasaare badan ay ka dhasheen isku dhacyadii maanta Masar oo dhan ka dhacay.

Warka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Masar ayaa lagu sheegay inaan la arki karin isku soo baxyo ay dhigayaan taageerayaasha Mursi, iyadoo lagu wargeliyay ciidamada milateriga inay ka qaybqaataan howgallada booliisku ay ku nadiifinayaan magaalooyinka waaweyn ee Masar.

Egypt.jpg1

Waxaana ladu soo warramayaa in 100-qof in ka badan oo isugu jira shacab iyo ciidamo ayaa ku dhintay dhowr iska-horimaad oo maanta ciidamada dowladda iyo taageerayaasha Maxamed Mursi ku dhexmaray magaalada Qaahira iyo magaalooyinka kale ee dalkaas ugu waaweyn.

Sidoo kale waxaa maanta Ciidamada ammaanka Masar ay kala kexeeyay kumannaan dadweyne oo muddo dhowr bilood ah fariisimo ay mudaaharaadyo ka sameeyaan ka kala dhigtay barxado ku yaalla dalka Masar, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Qaahira, sida Raabica Al-Cadawi iyo Nahda, kuwaasoo ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka kexeeyaan dadkii ku sugnaa.

Egypt.jp3

Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa waxay Bayaan kasoo saartay dhacdadii maanta, waxayna sheegtay in lix ka mid ah ciidamadooda ammaanka ay ku dhinteen, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen rasbashadihii maanta dhacay, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwii xumaa ee dalkaas soo mara tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Mursi.

Dhanka kale, dowladdu waxay sheegtay in dadka shacabka ah ee ku dhintay iska horimaadyadan ay gaarayaan 100-qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 900 oo qof, balse mas’uuliyiin u hadlay Ikhawaanul Muslimiin ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ay gaarayso boqolaal qof, halka dhaawacyaduna ay ka badan gaarayaan kumannaan kale.

Egypt.jpg2

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Booliiska dalka Masar ay xireen waddooyinka waaweyn ee gala fagaarayaashii lagu dibadbaxayay iyo kuwa ka baxa, iyadoo taageerayaasha Mursi ay ku baaqayaan in la dhigo dibadbaxyo waaweyn oo looga horjeedo ciidamada dalkaas.

SomaliSwiss        Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: