TALO CEYN WAREEGTAY LAYSKUMA CANAANTO.


maqaal qalimaanWaxaa dhibaato nagu filan aan ka dhaxalnay isqilaafka ismaqal la,aanta dadka soomaliyeed soo kala dhexgalay iyo talada aan lawada wadaagin dhibaatadeeda.

waxaan kutalin lahaa in laiska daayo barbar orodka iyo isriixa xasinmida iwm waayo waxaas oo dhan waxaad laga dhaxlay wax aan horey usoo marnay walaalayaal.

Nafaqo

 

Talo caynwareegtay la iskuma canaanto ayay Soomaalidu ku  maah maahdaaye, aan ka gudubno waayihii murugo ee la soo maray iyo wixii dhacay oo aan rajeynayo in ay dadka Soomaliyeed ku qaateen cashar lama illoobaan ah. Aan horay ugu durugno inaan odorosno bal sida loo h

eli karo xal lagu furdaamiyo arrimhan farahan ka sii baxaya.Aan ugu horrayn is weydiinnee, Miyaa weli dulqaad loo hayaa dagaal sokeeye? Miyaa weli la daneynayaa diredire iyo daandaansi gacal? Miyaan weli hoos loo dayin dabinkii lagu hoogay ee lagu halaagmay? Miyaanse weli laga daalin in la daba-rucleeyo Dagaal-Oogeyaal daallimiin ah oo dhallaanka dubta, umulahana doox

Inkastoo uu dhacay dhib culus, uuna jiro niyadjab weyni, haddana haddii aan Rabbigeenna u noqonno kuna dadaalno in aan wax saxno, jihada wanaaggana loo wada jeesto, waxaan ku kalsoonahay in ay si degdeg ah wax isugu bedeleyaan insha-Allaahu.a, culumadana nolol-duuga

Nabigeennii Muxamed (NNKH) ayaa xadiis uu Rabiggiisii (SWT) ka soo wariyay waxa ka mid ahaa:” …..Addoomahaygiiyow dhamaantiin baadi ayaad tihiin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee. Marka soo doonta hannhannuun aan idin hanuuniyee. Addoomahaygiiyow, dhammaantiin waad baahan tihiin ee soo doonta quud aan idin quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waad arradan tihiin ee soo doonta hu ( dhar) aan idin arrad tiree. Addoomahaygiiyow habeen iyo dharaar waad gafeysaan, dambiga dhamaantiina aniga ayaa dhaafa ee dambi dhaaf i weydiista aan idiin dambi dhaafee….”.

La yaabe! Maxaa noo diiday haddaba, in aan ka faa’ideysanno naxariista iyo deeqsinimadaas aan la soo koobi kari karin ee Rabbigeennu (SWT) noogu yaboohay? Maxaan ugu kalsoonaan la’ ahay Khaaliqii Koonkan na keenay, kibisteennana qoray?

Waa doqonnimo in aan ku kalsoonaan weyno Rabbigii khalqay oo na leh : ” Kaalaya wixii aad iga doontaanba waad iga heleysaane”. Hubaal, haddii aan la nimaado dadnimo, aanan ka soo gaddoonno dariiqa luggooyo ee aan ku habownay. Haddii aan u soo noqonno diinteenna iyo wixii noo dan ah, waan guuleysan doonnaa, Rabbi (SWT) deeqdiisuna nagama soo daahi doonto Alle idankiis.

Waxay ila tahay in la soo taabtay xeerada gunteedii, lana gaaray watigii shacabku cod dheer ay runta ugu sheegi lahaayeen Qabqablayaasha qas u joogga ah, ayna ku dhihi lahaayeen: ” Waa bes.. waa bes. Wallaahi, Billaahi besteen ayaan nahay! Baroomin, burburin iyo barakicin, been iyo borobogaando dambena tabar uma hayno”, Waa haddii la bislaaday oo lagu baraarugay booraanta hadimo iyo boholaha musiibo ee ay bulshadu ku baaba’daye.

Tallaabada koowaad ee loo qaadayo jihada wanaaggu waa in ay noqotaa in la dareemo lagana digtoonaado dibindaabyada Daallimiinta Alshabaab  dulmi-ku-naaxayaasha ah. Waa duul aan dan ka lahayn dad, dal iyo diin midna, Damacoodu xad ma leh, lamana yaqaanno wax deeqa, Waxay la ildaranyihiin aqoondarro, mana yaqaannaan waxa u daran iyo waxa u danta ah. Waa in loogu dayriyaa duulkan habaaran sida ugu degdegta badan

Waxaan ugu dambeystii leeyahay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Soomaaliyeey: “Berri tay tageyso lama hubo!, Laakiin Maanta weli tabar ayaa la hayaaye Dawladnimo aa inoo dhalatay  talo ha la yeesho !”.

Dadka Jubaland  iyo Puntland  ku dhaqan waxaan si gaar ah u leeyahay: ” Dagaalka Joojiya , Dawladana  u hogaansama Soomaalina waad la harteen, ee hadda iyo dan: Haddaad rabtaan in aad haakayah tiraahdaan halhaleel u dhiga heeryada Qabyaalada aad wadaan  dibna  ha u celina waxii lasoo maray.

FG: Maqaallada ku soo baxa SomaliSwiss kama tarjumayaan aragtida iyo siyaasadda raadiyaha iyo shabakadda warbaahinta SomaliSwiss, Wixii maqaallo ah, talo, tusaale iyo dhaliil intaba muwaadin kasta oo Soomaaliyeed wuu ku soo bandhigi karaa SomaliSwiss.

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: