Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta La filayaa inuu la Kulmo dhiggiisa Dalka Uganda.

Guddoomiyaha barlamaanka.jpg1Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada Kampala ayaa la filayaa in uu maanta la kulmo dhiggiisa dalkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Baarlamanka dalka Uganda, waxayna kulamo kala duwan la qaadandoona mas’uuliyiinta dalkaasi iyadoo kulanka ugu horeeya lagu wado in gudoomiyuhu maanta la qaato dhiggiisa dalkaasi.

Sidoo kale Kulanka labada gudoomiye Baarlaman ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa lagu wadaa in looga hadlo wada shaqeynta labada Baarlaman iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirkooda isuna dhaafsanlahaayeen qibrad iyo aqoon.

Wafdiga Barlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa iney kulamo kale oo dheeraad ah la qaataan Xildhibaano ka tirsan baarlamanka dalkaasi.

Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: