Dhaqdhaqaaqa Duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle oo loo sameeyay Wabset lagala socdo.

Garoonka mogadishu logo

mogadishu airport

HOOS KA  AKHRI

War ay soo saareen maamulka duulimaadka diyaaradaha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa u  sameeyay Bog internet oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa duullimaadyada ee garoonka iyo Macluumaad kale oo fara badan.

Bogga Webset oo u qoran Sidan: mogadishuairport.com waxaana la sheegay in laga heli karo magacyada diyaaradaha qorsheysan inay maalintaas yimaadaan, dalka ay ka imaanayaan, lambarka duullimaadka iyo xilliga ay soo degayaan, sidoo kale waxaa warbixintooda bogga laga heli karaa diyaaradaha ka baxaya garoonka.

Sidoo kale waxaa Bogaas laga heli karaa qeyb laga ogaan karo qiimaha sarrifka lacagta qalaad iyo lacagta shilin Soomaaliga, fureyaasha telefoonnada, adeegyada deg-degga ah iyo ammaanka garoonka intaba.

Boggan waxaa ka arki kartaa liis lagu sharraxayo dalalka safaaradaha ku leh Muqdisho ayaa ku jira website-ka iyo dalalka qorsheynaya inay safaaradahooda dib uga furtaan.

Dhanka kale Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in websit-kaas aysan wax shaqo ah ku lahayn laanta socdaalka, iyadoo websetkaasi la diiwaan geliyay labadii bishii June ee sanadkan 2013-kii, iyadoo uu ku saxiixan yahay nin magaciisa lagu sheegay Macallin Cabdi Bayloot.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: