Muslimiinta ku nool Kanton luzern iyo gobalada u dhow oo shalay Xafladdii Ciidul Fitriga ku sameeyay Masjidka Al-huda

 LuzernCulimaa’udiinka, wax garadka, dhalinyarada Haweenka iyo caruurta ayaa waxay shalay axadda ahayd markii la tukaday saladii Duhurka  ka dib  taas oo malintii axada lagu qabtay masjidka  somalida ee Kanton Luzern xafladii lagu weynaynayey munaasabadda ciidul-Fitriga.

Luzern.jpg1Farxad Munaasabaddan oo somalida si aad ah u soo camireen Masjida waxay u hamuun qabeen ineey dhagaystaan muxaadaro aad u qiima badan ee uu soo jeedinayey sheekh cabdulxakiim sh. Cali Suufi.

Sheekhu wuxuu ku dheeraday muhiimada ay leedahay in qof walba uu hagaajiyo waxa uu allahiisa ka rajaynayo layskana daayo dayrada iyo  in caruurta la korinayo hadalo wanaagsan lagula hadlo lagana daayo hadalada aan fiicneyn sida “kan khayr ma leh“,  waa dhago adag yahay, iga aamus, waxba ma tihid IWM.

LuzernSheekhu wuxuu kaloo aad uga hadlay in lays walaashado khayrkana laga wada qayb qaato,  laguna dadaalo in Masaajida la badiyo.

sheekhu wuxuu Soomaalidii faraha badnayd ee dhagaysanaysay u sheegay inuu qof walbaa helayo wuxuu rabigiis ka malaysto, mar walbana wax khayr leh lagu ducayso oo aqiro iyo aduunba ku anfacaya.

Luzern.jpg2Sheekh C/Xakiim wuxuu kaloo jaaliyadda kala qayb galay tabaruucaad Masjidka Al-huda loo aruuriyey waana markii labaad ee uu sheekh Cbdixakiin walalaha somaliyeed kala qayb qaato, waxaana sheekh Cabdixakiin ku wehliyay ama la socday sheesh Khadar Shugri Mahamud  oo  dhawaan yimid gobolka Zurich kana mid noqday culumada si joogta ah u joogto magaalada Zürich ee dalka switzerland.

 Ugu danbeyntii  waxaa hadalka qaatay gudomiyaha maamulka Masjidka sheekh Cali-baashi maxamed cabdulle, wuxuuna aad uga hadlay wanaaga sadaqada ay u leedahay qofka Muslimka ah iyo in Masjiyada allaah dartiis wax lagu darsado.

Luzern.jpg3Intaa ka dib waxaa la bilaabatay bixinta qado aad loo soo diyaariyey taas oo dadkii Soomaaliyeed kulankaas isugu yimiday ay xasuusisay dalkeenna Hooyo ee Soomaaliya.

Sidoo kale salaada casar ka dib waxaa la soo dhigay macmacaano kala duwan iyo qaxwo oo lagu casriyeystay.

Dhanka kale xafladdaas oo aad loo jeclaystay ayaa waxaa maamulayey dhalinyarada reer Luzern, kuwaas oo si isku duubni u sooray bulshadii ku sugnayd Masjidka, waxayna Xafladdaas ay ku soo dhamaatay farxad iyo rayn rayn..

SomaliSwiss      Luzern

Wariye: Bashiir Bootaan

Tifaftire: Dr. A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: