Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo sheegay xeritaanka Xawaaladaha in ay tahay mid lagu cunno-qabteynayo Somalia.

Xawaaladaha_Soomaalida.jpg1Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta ka qaybgalay shir looga hadlayay xawaaladaha iyo sida loola socon lahaa in lacagaha la isugu diro aan loo adeegsan falal dambiyeedyo, Shirkaas oo maanta lagu qabtay Garoonka ayaa Madaxweyne Faroole ka digay in la xiro xawaaladaha lacagaha la isugu diro.

Xawaaladaha_SoomaalidaMadaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in lacagaha la isugu diro xawaaladaha ay ku tiirsan tahay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed haddii la xirana ay imaanayso in dadkaas ay soo wajado dhibaato dhinac nolosha ah.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Xawaaladuhu waxay gaareen heer aad u wanaagsan oo xitaa isgaarsiinta ayaa sameysay qaab fudud oo taleefoonnada lacagaha la isugu diri karo, taasna waxay ka turjumaysaa horumarka ballaaran ee ay sameeyeen Xawaaladaha”.

Waxaa Kulankan soo qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka mukhaadaraadka iyo dambiyada ee loo yaqaan UNODC, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda xawaaladaha ka howlgala Puntland iyo kuwa isgaarsiinta.

Sidoo kale Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inay habboon tahay in koontarool lagu sameeyo lacagaha xawaaladaha lagu diro halka ay tagaan, balse aysan taas macnaheedu ahayn in la xiro oo la cunno-qabteeyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in hoos u dhac weyn uu ku yimid lacagta Soomaaliya, isagoo taas ku macneeyay inay ku yaraadeen suuqyada dalka iyo qorshe lacag cusub dalka lagu keenayo oo aan xilligan muuqan.

Dhanka kale, hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo bankiyada dalka Britain ay ku dhawaaqeen dhawaan inay xiriirka u jarayaan xaawaladaha Soomaalida ee lacagaha dhigan jiray, iyagoo sabab u dhigay inay lacagtaas qaarkeed ku dhacdo gacmaha Al-shabaab.

SomaliSwiss       Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: