Gudoomiyaha Baarlamanka Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Saaka U Ambabaxay Dalka Uganda

Guddoomiyaha Barlamaanka.jpg1Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho,  iyagoo ku sii jeeda magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Guddoomiyaha Baarlamanka waxaa safarkiisa ku wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamanka Mahad C/lla

Cawad, Guddoomiyayaasha guddiyada joogatada ah ee baarlamanka iyo xildhibaano kale.

Warku wuxuu sheegayaa in Safarka gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ugu ambabaxeen dalka Uganda ay ka dambeyeyay casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Baarlamanka dalka Uganda, sida uu Radio Muqdisho u sheegay C/fitaax Daahir Jeyte oo la socda wafdigaasi ahna wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamanka mudada uu joogo dalka Uganda waxay  kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, iyadoo lagu labada dhinac ay kala saxiixandoonaan heshiis rasmi ah oo wax wada qabsi, laguna mataaneynayo Labada Baarlaman Soomaaliya iyo Uganda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: