Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay kulan looga wada tashanayo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Shirka Xuquuqda Aadanaha Somalia.jpg1Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa mar kale lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shir ku saabsan Raod-Map-ka xuquuqda aadanaha ee  Soomaaliya, kaasoo ay ka qayb-galeen xoghayaha golaha wasiirrada, Maxamed Jamac Calas, ururrada bulshada rayidka ah iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay xuquuqul insaanka ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

Shirka Xuquuqda Aadanaha SomaliaShalay oo Sabti ahayd ayaa Shirkan dhacay wuxuuna daba-socday kulammo horay uga dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo looga tashanayay khariirada geedi socodka lagu hormarinyo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wada-tashigaan dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ee ku sugan maagaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sidii loo dhamystiri lahaa khariidadda geedi-socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka muwaadiniita Soomaaliyeed (Human Rights Road Map).

Danjire Yuusuf Barbari oo arrintaas faafaahin ka bixinayey wuxuu yiri: “Kulankan wuxuu ahaa mid ay dowalddu ugu sharaxayso ururrada bulshada rayidka Soomaaliye3ed qabyo-qoraalka khariirada geeddi-socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul aadanaha Soomaaliyeed, waxayna dooddu ahayd mid furan oo la isku dhaafsanayay firadaha iyo talooyinka ku aaddan sidii loo hormarin lahaa loona ilaalin lahaa xuquqal insaanka Somalia,” Mudane Baribari wuxuu  intaas ku daray in qaybaha kasoo qayb-galay ay soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah iyo kaalintooda bulashada rayidka kaga aaddan dhaqan-galinta khariiraddan.

Sida la sheegay Shirarkan ayaa sii socon doona illaa iyo inta laga dhamaystirayo qabyo-qoraalkan, waxaana dhawaan shirkii ugu dambeeyay lala yeelan doonaa madaxda sare ee hay’adaha amniga.

Qoraalkan ayaa lagu wadaa in gudbiyo shirka golaha wasiirrada, balse intii aan loo gudbinin ayaa mar kale wada-kulmi doona dhammaan xubnihii ka qaybgalay shirarkii hore, iyadoo loo soo bandhigi doono qabyo qoraalka oo dhamaystiran.

Si kasta ha ahaatee ugu dambayntii, waxaa la filayaa inuu dhaco shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada isugu imanayaan dhammaadka bisha August, 2013, ayna kasoo qayb-gali doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, dajire Yuusuf Bari-Bari, madaxda sare ee hay’adaha amniga iyo xubno matalaya bulshada rayidka ah.

Dhanka kale, shirka uga danbeeyo waxaa lagu marti-qaadi doonaa khabiirka madaxa-bannaan ee u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha xuquul Insaanka ka jira Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari iyo madax ka socota xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqal insaanka.

SomaliSwiss        Muqddisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: