Ra’iisulwasaare Saacid oo ka Warbixiyay Horumarka Xukuumadiisa iyo Ammaanka Dalka.

Ra'iisal-waasaraha.jpg3Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dhammaan guulaha ay gaartay dowladda uu hoggaamiyo iyo sidoo kale qorshaha cusub ee dib u kabashada Soomaaliya nooca uu yahay iyo sida Xukuumadda ay ugu diyaar garowday kadib wareysi dheer oo uu siiyey Warbaahinta Qaranka.

Ra'iisulwasaare SaacidRa’iisul wasaare Saacid wuxuu wareysi uu siiyey Warbaahinta ayaa wuxuu ku sharaxay dhammaan waxyaabihii u qabsoommay mudada ay Xukuumadda jirto ee Siddeedda Bilood ah, waxa uu Ra’iisul wasaaraha hadalkiisa ku billaabay “Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciiddul Fitriga ee sannadkan sida nabad gelyada ah loogu ciidday guud ahaan Soomaaliya”.

Mudane Saacida oo ka hadlayey guulaha ay dowladda gaarta wuxuu yiri : “Waxaan doonayaa inaan wax ka taabto su’aasha ku aaddan guulaha ay dowladdu gaartay siddeedii bilood ee lasoo dhaafay, Xukunka waxaan la wareegnay iyadoo ay xaaladda sidan ka adagtahay, waxaad la socotaan in Xukuumaddu ay horyaaleen arrimo baahidooda ay aad u badan tahay, sidaad la agligeed waxaa hubaal ah in howllo badan ay inoo hirgaleen, waxaana ka xusi karnaa dadaalka aan u galnay in dhismaha hey’adaha dowladda kadib la billaabo dajintii sharciga dalka lagu hagi lahaa”.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa shegay in dadaal aad u ballaaran ay ku bixiyeen, iyadoo la ogyahay inay jraan daruufo badan ee dowladda horyaalla oo uga horreyso sidii ammaanka wax badan looga qaban lahaa, wuxuuna sheegay in dowladdu ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu saxayo nidaamka Ciidammada Soomaaliyeed,  iyadoo aan dadaaleyno, hadana waxaa jira daruufo dhinaca Dhaqaalaha ah.

Ra'iisul_wasaare Saacid.jpg2Ra’iisul wasaare Saacid oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri : “Haddii aan tusaalo u soo qaato Bishii May dakhliga soo galayey dowladda waxa uu ahaa laba Milyan iyo bar, shaqo badan iyo sida loo xakameeyey Dhaqaalaha dowladda soo galayey ayey inoo suuragasha in horaantii sannadkan dakhliga soo gala dowladda waxa uu kor ugu kacay Shan Milyan iy bar, halkaas waxaad ka garan kartaa in wax badan oo isbaddel ah lagu guuleystay, Dhaqaalaha yar ee ina soo gala awgiis dowladda ilaa hadda ma aysan gaarin halkii loo baahnaa, laakin dadaalkeenu weli waa mid sii socda”.

Dhinaca kale haddii aan ku laabto Xukuumadda waxa ay ku guuleysatay in Barlamaanka ay horgeyso Miisaaniyad cad, taasi ayaana suuragalisay in la abuuro jawi ka baddelan sidii horey, waxaana u mahadcelinayaa dowladdii KMG aheyd oo aan xusi karo in meel wanaagsan ay wax soo gaarsiyey, annaga qorshahayagu waxa uu yahay in Soomaaliya laga dhaqaajiyo halkii ay taagneyd”.

“Dhanka kale haddii aan u gudbo dowladda waxaa lagu eedeyn jiray dowladdii Xamar, laakin inagoo taasi ka duuleyno ayaan hirgelinay barnaamij gobollada dalka lagu gaarsiinayey dowladnimada, waxaan oran karaa 90% arrintaasi waa mid lagu guuleystay, halkaas kuma aanan ekeyn,  waxaan isbaddelo ku sameynayo maamulada gobolladaasi loo abuurro jawi horumarineed oo dadka Soomaaliyeed lagu gaarsiiyo dal dhisan iyo dad niyadoodu wanaagsantahay”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo wax laga weydiiyey Ciiddan iyo ciiddii hore waxa ay ku kala badelyihiin ayaa ku jawaabay “Ciiddan waa Ciid xasuus gaar ah leh, waxaad la socotaa in ciiddii  hore dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollo badan oo Soomaaliya ah in aysan awood  u laheyn in ay farxad ku damashaadaan, Sidoo kale waxaa fursad kale ii aheyd in aan la damaashaado Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, dareenkeygu waxa uu ahaa mid aad u sarreeya, u jeedaduna waxa ay aheyd in muraalka ciidammada kor loo qaado, taasina waa mid uu Alle nagu guuleeyey, Dhinaca kale habeenno ka hor waxaan kormeer ku soo sameeyey Labada Koontarool ee Muqdisho, iyadoo aysan wax dhibaato ka jirin magaalada, halkaas waxaad ka qiyaasi kartaa in ammaanka uu wax badan iska badelay, haddii uu Alle Idmana horumarro badan ayaa soo socda”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaalihya ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal cusub oo ay wax kaga qabanayaan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaanka, isagoo hadalkiisa ku daray inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in Qorshaha Hiigsiga cusub ee la yiraahdo New Deal Micnihiisu uu yahay dib u kabashada Soomaaliya, shirka Brussels ka dhicaya  16-ka bisha September, waxaa looga hadli doonaa Soomaaliya sidee jeceshahay in loo caawiyo “ Sidee dalkiina u dhisan kartaa, caalamkuna uu idiin caawiyaa, waa maxay sida ammaanka Soomaaliya loo xasilin karo, Dhaqaalaha aad dooneysaan halkee u la egyahay, dhinaca kale Xukuumadda waxa ay dadaal badan ku bixisay sidii la tashi aad u ballaaran New Deal-ka lagala yeelan lahaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed welina waa mid socda.

Balse Ra’iisul wasaare Saacid hadalkiisa ku gabagabeeyey ee uu yiri: “Waxaan rajeynayaa in shirka Brussels in ay ka soo bixi doonaan qodobo dhammaantood ka turjumaya sida adduunka u aqbalo qorshaha aan halkaasi la tagno, aad ayaanan ugu Kalsoonahay qorshaha Xukuumadda ee shirkaasi, waana midka kaliya ee fursadda ugu weyn u abuuri doono Soomaaliya”.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: