Madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in A-lshabaab ay qorshaynaysay shirqool ka dhan ah Madaxda dalka Kenya.

Axmed Macallin Fiqi ayaaMadaxii hore ee nabad-sugida Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa waraysi uu siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay in uu ka hortagay weeraro la doonayay in lagu khaarajiyo labada hogaamiye ee ugu cadcadaa tartankii doorashadii dalka Kenya.

Sida uu sheegay Mudane Fiqi in Shirqoolkan uu ahaa mid la rabay in Kenya lagu gaarsiiyo khasaare xoog badan aysan kasoo waaqsan, taasoo lagu doonayay in lagu weeraro isu soo baxyada siyaasadeed ee ay samaynayaan labada musharrax ee ugu horreeyay tartanka oo kala ahaa madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga.

Sidoo kale Mudane Fiqi ayaa sheegay in macluumaadkan laga helay kadib markii ciidamada Soomaaliya ay toogasho ku dileen Fazul Maxamed bishii June 2011 oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa caddeeyey in Fazul gaarigiisii laga helay computer laptop ah oo ay ku jirtay sir muhiim ah oo ay kamid tahay qorshayaasha Alshabaab iyo meelaha ay doonayso inay bartilmaameedsato, waxaa kaloo laga helay gaarigiisa waraaqo iyo cajalado dhammaantood ay ku jirtay sir muhiim ah.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in macluumaadkaas oo ay kamid ahayd weeraro lagu qaado magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya sida Nairobi iyo Mombasa, haddana la qorsheeyay in la weeraro labada hogaamiye ee ugu shacbiyada badan isu soo baxyada siyaasadeed ee kaambaynkooda, inkastoo aan si toos ah loo magacaabin Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo iyagu ahaa labada nin ee ugu shacbiyada badnaa.

Warkan ayaa lagu soo qoray Wargeyska The Standard oo waraysi  xaasaasiga ah la yeeshay Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale soo xigtay mid ka tirsan saraakiisha sirdoonka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo, sidoo kale Mudane Fiqi wuxuu qiray in macluumaadkii laga helay computerkii Fazul ay keentay in la baajiyo weeraro halis ah oo Kenya ka dhici lahaa.

Sargaalka ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa caddeeyey in Macluumaadka uu fiqi siiyay sirdoonka Kenya waxayna taasi fududaysay in ogaado meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka hawlgalayay Kenya”.

Waxaa kaloo Mudane Fiqi waraysigiisa ku sheegay in waraaqihii laga helay alaabadii Fazul ay muujinayeen inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha kooxda Alshabaab, uuna waraaqo u qoray Sheekh Osama Bin-laden uu kaga cabanayo qaabka uu wax uu maamulo Godane.

Waxaana kamid ahaa waxyaabihii uu ka cowday qaabkii loo fuliyay weeraradii lagu qaaday magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kuwaasoo lagu beegsaday dad u soo daawasho tagay ciyaarihii koobka aduunka bishii june 2010.

Hase yeeshee Wargeyska ayaa sheegay in Fiqi uu qayb wayn kasoo qaatay baajinta weeraro lagu qaadi lahaa gudaha Soomaaliya amaba wadamada gobolka intii uu ahaa madaxa sirdoonka Soomaaliya, ayna labo-jibbaarmeen weerarada ay Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho intii uu xilkaas iska casilay.

Si kasta ha ahaatee Macluumaadka uu Fiqi siiyay wargeyska laga leeyahay dalka Kenya oo ah kuwo lagu helay sirdoonka ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo masuul ka tirsan sirdoonka Soomaaliya uu macluumaad intaas le’eg u gudbiyo wargeys kasoo baxa waddan shisheeye.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: