Dowlada Britain oo sheegtay in Al-Shabaab ay boobeen Raashiin loogu talagalay dadka Tabaaleeysan.

Bandhig Al-shabaab.jpg1Waaxda horumarinta caalamiga ah ee Dowlada Ingariiska ay sheegatay in Maleeshiyaadka Xarakada Al-shabaab ay dhaceen raashiin gargaar ah oo loogu talagay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan kaaso ay gacanta  ku hayeen hey’ado gargaar oo maxalli ah.

Sidoo kale Waaxdan ayaa waxay soo saartay war qoraal ah oo lagu sheegey  in kooxda Shabaab ay boob u geysteen qalab iyo  raashin gargaar ah oo dowlada Ingiriisku ugu talagashay dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Wargaysaka Sunday Telegraaf ee ka soo baxa dalka Ingiriiska  iyo Wakaalada waraarka Faransiiska AFP ayaa sheegey in lacagaha ay ku kacayaan saadkan ay gaarayso ilaa 7 boqol oo kun oo Doolarka Mareykanka ah,  taasi oo ay xuseen in ay kordhinayso walaaca Britain ee ku aadan maareynta gargaarka dibadaha ay geynayso.

Dhanka kale Hay’ada dhinaca gargaarka u qaabilsan dowlada Ingiriska ee DFID ayaa daboolka ka qaadday in boobkani uu dhacay intii u dhexeysay 2011-2012 ayadoo sida ku xusan warbixinta qalabka iyo saadkaasi lagala baxay baqaarro ay ku keeydsanaayeen oo ay gacanta ku hayeen ururo ay dowlada Ingiriiska mashruuc ahaan ugu dhiibta mana awoodin ururadaasi in agabka  gargaarka ah ay dib u soo celiyaan.

Sharci-yaqaan ka mid ah xisbiga R/wasaare Devid Camiron  Gen.  Howarth ayaa shegey in arimahani ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo qaabka loo maareyn jiray mucaawinada gargaarka ah oo ay dhiibtay Britain xiligaasi ka hor.

Wuxuu kaloo Sharciyaqaankan  u sheegey Jariirada lagu magacaabo Sunday Telegaraf in  lacagahaasi oo laga soo uruuriye canshuur bixiyayaasha Britain ay u gacan galaan kooxaha argagixisada ee Xarakada Al- Shabaab

Ugu danbeyntii Afhayeen u hadlay hay’ada gargaarka ee Britain ayaa sheegey in dhibaatooyinkaasi ay ka dhacaan dhamaan dalaalka xasaraduhu ay ka jiraan balse aanay ku koobneeyn Soomaaliya.

SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: