Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo wada dadaallo ay xal ugu Raadinayaan khilaafka u dhexeeya Dowlada & Puntland

Garoowe.jpg1Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland gaaray Xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya, ujeedada socdaalkoodana waxaa lagu sheegay  inay  wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay ku xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

Xildhibaadan  oo gaaray Gaalkacyo toddobaadkii hore ayaa waxay horay u sheegeen inay doonayaan inay u kuurgalaan xaaladda shacabka ku nool Puntland oo ay kasoo jeedaan, balse qorshahoodu uusan ahayn inay dhexgalaan dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Hoggaamiyaha Xildhibaanadan ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa wuxu la hadlay warbaahinta gudaha wuxuuna  sheegay inay ku dhalatay inay dhexdhexaadiyaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isagoo xusay inay Puntland qoonsatay wax ka bedelka dastuurka dalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Puntland waxay qoonsatay wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka dalka iyo weliba in laga laabto federaalka, sidoo kale waxaa jira qodobbo lama taabtaan ah sida midnimad Soomaaliya iyo xuduudaheeda”.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay doonayaan inay la kulamaan madaxda Puntland ayna ka dhageystaan cabashadooda, markaas kaddibna ay la kulmaan madaxda Soomaaliya, si khilaafkan xal looga gaaro.

Sidoo kale Maamul goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ku xad-gudubtay qodobbo dhowr ah, inta ay ka saxaysana aysan xiriirka dib u soo celin doonin.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrintaas ayaa waxay ku tilmaantay been aan sal iyo raad lahayd, iyagoo xiriirka ay Puntland u jartay dowladdana ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah.

SomaliSwiss         Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: