Wasiirka Gaashaandhiga oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay magaalada Baladweyne.

Wasiirka GaashaandhiggaWasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka soo gabagabeyay socdaal shaqo oo uu ku tagay magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiraan,  isagoo halkaasi kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta gobalkaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Jabuuti.

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg1

Mudane C/xakiin Xaali Fiqi ayaa si rasmi ah usoo gebagebeeyay kadib markii uu shalay Beledweyne kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Jabuuti Xasan Dharaar oo shalay booqday Beledweyn.

Sidoo kale Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shalay booqday Ciidamo tababar loogu soo gebagebeeyay Beledweyne,  iyadoo halkaasi looqu qeybiyay hub iyo qalab ciidan.

wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/xakiin Fiqi oo la hadlay ciidamadaasi tababarka loo soo xiray ayaa tilmaamay in dowladdu bixineyso xuquuqda ciidamada iyo mushaaroodkooda,  isagoo u rajjeeyay in ay howlahooda u gutaan si hufan oo wadaniyad leh.

Madaxda maamulka G/Hiiraan iyo iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa saaka garoonka diyaaradaha Beledweyn ka sagootiyay wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdiga uu hogaaminayay oo u soo ambabaxay magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss           Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: