Dhaqdhaqaaqa iyo Borobogaandada kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado goobaha ay gacanta ku haysa.

Bandhig Al-shabaabWALAAYADA BAKOOL: Xarakada Al-Shabaab  ayaa waxay Gudoomiyaha u Magacaawday Gobaladda Bay iyo Bakool Sheekh Mahad  ayaa waxaa meel fagaara ah kula hadlay Boqoolal Dadweyne ah oo ku dhaqan Magaaladda Xuddur ee xarunta  Gobalka Bakool ayaa sheegey in 2 sanno kadib xaaladda Magaalada Muqdisho ay sii xumaatay. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Masuulka ka tirsan  Al-shabaab ayaa ku faanay in hay’adda Nabad Sugidda ay ka gaabisey Shaqadeeda,  isla markaana Magaaladda Muqdisho Amaankeeda uu yahay Mid aan la isku haleyn Karin xiligaan la joogo.

Dhanka kale ammaanka Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey inaan la isku haleyn Karin, wuxuuna  tusaale u soo qaatay in naagta Shaaha gada aysan isku halen karin halka ay ku ganacsaneyso, taasna ay muujinayso ammaanka magaalada oo sii xumaanaya.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Degmada Ceelbarde.

al-shabaab.jpg6

Duleedka Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa waxaa xalay  ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, waxaana la soo sheegay in ugu yaraan ay ku dhintay lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, waxaana  ku dhaawacmay tobaneeyo kale.

Warar ayaa sheegaya in dagaalkan uu ahaa mid culus uuna dhashay markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka degmadaas ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay dagaalka ayaa wuxuu yiri: “Xalay waxaa duleedka degmada Ceelbarde ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, deegaannadii lagu dagaalamayna waxaa hadda ku sugan ciidamada dowladda”.

Hase yeeshee Sarkaalku ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaase uu xusay inay jiraan khasaarooyin labada dhinacba soo gaaray, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydad iyo dhaawacyo.

Dadka ku dhaqan deegaannada lagu dagaalamay ayaa warbaahintu u sheegeen waxayna yiraahdeen: “Waxaan aragnay dhimashada lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah 11-qof oo dhaawacyo ah, kuwaasoo isugu jiray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab”.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta gobolka Bakool ayaa sheegay in qorshaha dagaalkan uu ahaa si Al-shabaab looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin eek u dhow Ceel-barde, halkaasoo ay kasoo abaabuli jireen dagaallada.

Sida laga warqabo waxaa Gobolka Bakool ku wada sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo khasaare badan geystay oo dhexmara labada dhinac.

al-shabaab

WALAAYADA SHABEELAHA HOOSE – BARAAWE: Xarakada Al-shabaab ayaa tartan mehrijaan ah ku qabatay shalay gellinkii dambe degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan.

Mehrijaankan ayaa isugu jiray qaybo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, dabaasha, tartanka doomaha, orodka, xarig-jiidka, toogashada, mootooyin lagu tartamayo, raashin cunis, bootin iyo kuwo kale oo fara badan.

al-shabaab.jpg3

Xeebta degmada Baraawe ayaa ka dhacday Tartanka, waxaana tartanka uu noqoday mid soo jiitay dadweyne fara badan oo ku nool degmada Baraawe, waxaana qaarkood oo hadlay ay sheegeen inaysan weligood arag tartankan oo kale.

Sida lagu soo warramay  dadka qaybqaadanayay tartanka mehrijaankan ayaa waxay ka kala socdeen degmooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, sida degmada Marko, Baraawe iyo deegaanka Buulo-mareer.

Sidoo kale, tartankan ayaa waxaa ka qayb galay dagaalyahannada Al-shabaab oo iyagu ku tartamayay toogashada fog iyo doomaha, waxaana dadweynihii daawanayay ay isugu jireen, rag, dumar iyo caruur qaarkood yimid degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

al-shabaab.jpg2

Xoogagga Al-shabaab ayaa tartanka kusoo bandhigay habka dagaallada loo galo, iyagoo rasaas run ah ku tooganayay tabeellayaal la suray xeebta si aysan waxyeello ugu geystay shacabka rasaasta ay ridayaan.

Dadkii ku guuleystay tartanka ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal-marinno kala duwan, iyadoo abaal-marinnadaas uu guddoonsiiyay Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah madaxa Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

al-shabaab.jpg4al-shabaab.jpg5al-shabaab.jpg1

SomaliSwiss    Baraawe/Xudur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: