Taliska Ciidamada AMISOM oo ka Hadlay Shilkii Diyaaradeed ee ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Shil-diyaaradeedTaliska Ciidamada AMISOM Oo faafaahin ka bixisay diyaaraddii saakay aroortii hore ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ka mid ahaa ayna ku dhaawacmeen laba kale.

Shil-diyaaradeed_War qoraal ah oo ay AMISOM soo saartay ayay lagu sheegtay in shilka diyaaradeed uu yimid kaddib markii diyaaraddu ay cago-dhigatay garoonka, balse uu dab ka ka kacay qaybta dambe kaasoo keenay inay gabi ahaanteen gubato.

Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa waxaa lagu yiri: “Diyaaradddu markii ay dhacday waxaan u fidinnay gurmad deg-deg ah oo aan kusoo badbaadinnay lab aka mid ah shaqaalihii diyaaradda, afar kalena shilka ayay ku dhinteen”.

Sidoo kale AMISOM waxay sheegtay in diyaaraddu ay ahayd mid milateri oo ay lahayd dowladda Itoobiya, inkastoo aysan sheegin inay saanad ciidan u sidday iyaga iyo in kale iyo halka ay ka timid intaba.

“Waxaan dowladda Itoobiya uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid afar ka mid ah shaqaalaha diyaaraddii ku burburtay saakay madaarka Muqdisho, kuwa kale ee dhaawacmayna waxaan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ku yiri Warsaxaafadeedka ay soo saartay AMISOM

Balse waxaa Dowladda Itoobiya  aan weli ka hadlin burburka diyaaradeedda inkastoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo arrintaas wax laga weydiiyay uu sheegay inay warbixin kasoo saari doonaan.

Dhanka kale howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa gabi ahaan hakad ku jira maanta, iyadoo wasaaradda warfaafinta, boostada iyo gaadiidku ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib howshiisa ugu billlaaban doono.

Si kasta ha ahaatee burburka diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdsiho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho tan iyo markii AMISOM ay howlgalkeeda ka billowday Soomaaliya.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: