Shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya Guddi baaris ah u magacowday.

Shil-diyaaradeed_.jpg1Shilkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya  ka hadashay waxayna sheegtay in diyaaradda gubatay ay ahayd mid xamuul xogta la hayana ay sheegayso inay u dhacday cillad-farsamo awgeed.

Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa Shilkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho u magacowday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo la sheegay inay baaris ku sameynayaan, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxay waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka socda shirkadda SKA ee garoonka maamusho iyo AMISOM.

1.   Wasiir ku-xeenka Warfaafinta, Cabdishakuur Cali Mire

2.   Maareeyaha guud hay’adda duulimaadka rayidka, Cali Maxamuud

3.   Taliyaha ciidankia booliiska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiim Daahir

4.   Agaasimaha hay’adda nabsugidda, Jen. Bashiir Maxamed Jamac

5.   Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi

6.   Xubin AMSIOM ka socda oo aan la magacaabin

7.   Xubin ka socda shirkadda SKA oo aan la magacaabin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay warsaxaafadeedka ay soo saartay ku tiri inay ka xukun tahay khasaaraha ka dhashay shilkii diyaaradeed, waxayna tacsi u direysaa ehellada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay shilkaas.

Sidoo kale ugu dambeyntii, dowladdu waxay sheegtay inay ku adkeynayso guddigan loo magacaabay in shilkaas ay soo baaraan inay si dhaqso ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: