Diyaarad u siday Ciidamada AMISOM hub iyo Saanad Militeri oo ku gubatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

diyaarad gubanaysaWar aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku gubatay diyaarad kuwa xamuulka ah.

diyaarad gubanaysa.jpg1Diyaaraddan oo lahayd Shirkadda Ethiopian Cargo, taasoo sida la sheegay inay u siday Ciidamada AMISOM  hub iyo Saanad Militeri, iyadoo la sheegay gubashada dayaaradaas ay sababsatay kadib markii ay u furmi waayeen xilligii ay soo dageysay lugaha ayna ka baxday dhabaha ay ku cararaan diyaaradaha ( Run Way), waxaana islamarkiiba  arkayey uurada iyo qiiqa ka kacayo diyaaraddaasi.

Sida wararka ay sheegayaa in hub ay siday uu ka dhex qaraxyo gudaha diyaaradda, waxaana xayirmay diyaaradihii garoonka ka soo dagay saaka oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airways

 Dhinaca kale mar  uu Wariyaha SomaliSwiss uu la xiriirnay masuuliyiin ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde waxay u  Sheegeen  xaqiijiyeen in la baajiyey maanta Duulimaadyadii.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa  in 4 qof ay ku dhinteen, 2 kalena ay ku dhaawacmeen sidaas waxaa  xaqiijiyey goobjooge ku sugnaa  Garoonka diyaaradaha  ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa haatan ma jiro cid ka hadashay dabka qabsaday diyaaraddaasi oo ka tirsan Masuuliyiinta dowladda iyo Taliska AMISOM ee hubka ay u siday diyaaraddu.

Si kasta ha ahaatee waa Markii ugu horeysay oo diyaarad laga leeyahay dalka Ethiopia ay ka soo degto Magaalada Muqdisho muddo 20 sano ah iyo ka horba.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: