Soomaalida ku nool wadanka Switzerland oo si weyn u Ciiday Munaasabadda maalinta Ciidul Fidriga.

Ciida11Shalay oo khamiista ahayd ayaa waxaa Munaasabadda Ciidul Fitriga si isku mid ah looga wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo kuwa ay Islaamka ku yar yihiinba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed, waxaa ayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh looga wada Ciiday dalka oo ay ugu horreyso caasimada Muqdisho.

Ciida12Sidoo kale wararka Farxadda Ciida ee aynu ka helnay Kantoonada dalkan Switzerland, ayaa sheegaya in maanta Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn oo idil ay si weyn ugu dabaaldegay ciidul fitriga sida: Magaalooyinka Berna, Zürich, Geneve, St. Gallen, Lausanne iyo kuwa kaleba.

Soomaalida ku nool Magaalada Zürich

Ciida10Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay aroortii u dareeray degmada Dietikon ee Kanton Zürich, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tukado Salaada Ciidul Fitriga, sidaas awgeed, Muslamiinta Kanton Zürich, iyagoo isku  duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayey si farxad iyo reynreyn ah ugu wada tukadeen bartii ama goobtii loogu talagalay in ay ku kulmaan ee ku taala Stadthalle Dietikon.

Ciida14Dhanka kale Soomaalida Kanton Zürich ayaa Munaasabadda Salaada Ciidul Fitriga ka dib ku kala Ciiday si gooni gooni ah, qaar waxay aadeen guryahooda, qaar kalena waxay Caruurtooda u wateen ama ay geysteen meelaha gaarka loo leeyahay ee looga tala galay in Caruurta lagu maaweeliyo, taas oo loo arki karo inay jirto kala fogaansho fikradeed, mana aha markii ugu horrexsay ee ay dhacdo arrintan, hase yeeshee Khilaafka iyo kala duwanaanta fikradeed ayaa keeni karta in caruurtooda ay lumiyaan Soomaalinimada iyo dhaqanka suuban ee soo jireenka ah.

Ciida7Qaar ka mid ah Jaaliyaadaha Soomaalida ee wadamada Yurub ayaa si isku duubni ah uga wada ciiday wadamada ay ku nool yihiin, balse waxaa nasiib darro ah in dalka Switzerland ay Caruurtooda heli waayeen Barnaamijka loogu tala galay in lagu maaweeliyo iyo meeeshii ay si xurnima ah ugu cayaari lahaayeen Caruurtaas.

Hoggaanla Sare ee Jaaliyadda Kanton Zürich iyo qaar ka mid ah Culamada Soomaaliyeed ayaa mar-kasta isku dayey in Soomaalida ay wacyi geliyaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen danahooda, balse taasi ma noqonin mid suurta gasha, Sababo jira awgeed.

Ciida13Si Kasta ha ahaatee, qaar ka mid ah Jaaliyadda Kanton Zürich, sida Waaladiinta, Culumada ayaa waxay isugu tageen Xaafad ka mid ah magaalada Zürich, halkaas oo ay ku wada qadeeyeen, islamarkaasna ay ku wada sheekeysteen, qadadaas oo isku soo dubarriday Mudane Cabdalla Saciid, sidoo kale kuluntaas oo socday ilaa maqrabadii, wuxuuna ku soo gebagaboobay si farxad ah.

Ciida15SomaliSwiss       Zürich

W.Q Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: