Dab ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta iyo howlihii duullimaadyadii Garoonkaas oo si ku meelgaar ah loo Joojiyay.

Garoonka Jommo_KenyattaDab Xoog badan ayaa Saakay ka kacay garoonka diyaaradaha Jommo Kenyata ee magaalada Nairobi, dabkaas  oo aan la garanaynin wixii sababay, waxaana  la xiray garoonka ilaa iyo inta amar danbe laga soo saarayo.

Garoonka Jommo_Kenyatta.jpg1Mr. Michael Kamau oo ah Xoghayaha gaadiidka dalka Kenya, ayaa sheegay in dabka uu yahay mid aad u xooggan, lana joojiyay dhammaan duulimaadyadii iman jiray garoonka inta lagu guuleysanayo in dabka la damiyo, wuxuuna xusay in shaqaalaha dabka dambiya ay dagaal kula jiraan sidii ay dabka u damin lahaayeen.

Xoghayaha gaadiidka dalka Kenya oo ka hadlay arrintan wuxuu yiri: “Rakaabkii ku jiray garoonka ee doonayay inay duulaan iyo kuwii soo dagay waxaa laga soo saaray iyagoo bad-qaba, dadkana waxaan ku wargelinay in aysan u dhawaan garoonka”.

Garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ayaa ah garoon ay ku degaan diyaaradaha isaga gooshaya dalalka ku yaalla gobolka, kuwa qaaradda iyo sidoo kale kuwa Caalamiga ah ee ka kala yimaada Yurub, Mareykanka iyo Asiya.

warsaxaafadeed ay soo saareen maamluka garoonka Jommo Kenyatta ayaa waxaa lagu yiri: “Waxaan xaqiijinaynaa in dabku uu burburiyay qaybta koowaad oo ay kasoo xirtaan diyaaradaha ka yimaada dibadda”.

Sidoo kale Mutea Iringo oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay inay sameynayaan wax walba oo ay dabkaas ku damin karaan, isagoo xusay inay shaqalaha dabka dambiya dagaal kula jiraan dabkan kacay.

Dhanka kale Goobjoogayaal ku sugan Nairobi ayaa sheegay in dabka ka kacay garoonka laga arkayo meelo aad u fog ee magaalada Nairobi, waxaana garoonka laga saaray dad badan oo doonayay inay u dhoofaan Yurub iyo dalal kale oo caalamka ah.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: