Wasaaradda khayraadka dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay ama laga leeyahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD,
Waxaa Heshiiskan u ogalaanayaa sharikaddan inay ka sahmiso Soomaaliya baaris shidaal, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.
Wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si wadajir ah u shir jaraa’id Uga qabteen asaga iyo madaxa shirkaddaas wuxuuna yiri: “Qorshahan waa mid la doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka sidoo kalena lagu soo saaro khayraadka dalka, wuxuuna sidoo kale heshiiskan sare u qaadayaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain”.
Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu xoojinayo dhaqaalaha dalka, isagoo xusay inay qayb ka yihiin heshiisyo lagu soo celinayo howlihii tamarta Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxa shirkadda Som-Oil oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiiskan uu la saxiixdo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu yahya mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain.
Dhanka kale Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gasho shirkad laga leeyahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, iyadoo ay horay madaxda dowladdu horay u sheegeen inay ka shaqeynayaan loo soo saari lahaa khayraadka dalka.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.