Mootooyinka u shaqeeya sida Taksiyada oo Ciidanka Taraafikada Howlgal ku soo qabteen magaalada Muqdisho.

???????????????????Howlgalo ay saakay ka sameeyeen magaalada Muqdisho Ciidamada Boliiska gaar ahaan kuwa  Nabedgalyada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa ku soo qab-qabtay gadiidka loo yaqaano Mooto Taksi ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lugu eedeeyay ineysan laheyn sharciyada wadista gadiidka.

taraafiko..jpg2Qaar ka mid ah Milkiilayaasha Mootooyinka u shaqeeya sida Taksiyada oo dhawaan ku soo biiray xaafadha magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ku fikireen sidii dalka ay ugu  soo kordhin lahaayeen Mootooyin  casri ah oo ka qiima jaban Baabuurta kale ee ka shaqeeya Muqdisho, kuwaa oo ay sheegeen in laga isticmaalo wadamada horumaray, waxaana ay tilmaameen inay raacayaan Awaamiirta Saraakiisha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Jen Cali Xersi Barre Cali Gaab oo ah Taliyaha Ciidanka ilaalada wadoyiinka ee Taraafikada oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxay howlgalka saakay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ku soo qabteen howlgalka,  gaadiid si sharci daro ah kaga shaqeynayay Magaalada Muqdisho loona baahan yahay in lagu saleeyo gaadiidka Sharciyada Wadooyinka,

Si kasta ha ahaatee Gadiidka maanta lagu soo qabqabtay ayaa waxaa lagu soo xareeyay xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka (fiisho Taraafiko), waxayna arrinta ay ka dambeysay ka dib  markii saakay ay howlgal balaaran ka sameeyeen Ciidanka ilaalada wadooyinka ayna ku soo qabteen  Mootooyinkan  lagu soo edeeyay ineysan heysan  sharciyada Wadooyinka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: