Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo Mar-kale Wadahadallo uga furmi doono Magaalada Addis Ababa.

FartaagWadahadallo u dhexeeya maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo, Sheekh Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka furmaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

C/llaahi Sheekh Xasan (Fartaag) oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa wuxuu garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula hadlay shalay warbaahinta, wuxuuna sheegay inuu Addis Ababa kaga qaybgalayo wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, wuxuuna rajeeyey in wadahalkaas uu noqdo mid ku dhammaada guul.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, wuxuu sheegay in shacabka Jubbooyinka uu kula dardaarmayo inay isku xirnaadaan oo ay nabadda ilaaliyaan, isagoo sheegay in rajo weyn uu ka qabo in kulanka ka dhacaya Addis Ababa uu noqdo mid ay isku afhamaan maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee dhinaca dowladda Federaalka Somaaliya ma jiro hadal ka soo baxay ee ku saabsan shirka la sheegay inuu ka furmi doono magaalada Addis Ababa, balse waxaa horay u jiray in wadahadallo qarsoodi ahaa ay horay ugu dhexmareen dowladda iyo maamulka Jubbaland magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaan la ogayn in wadahadalladan ay garwadeen ka tahay dowladda Itoobiya iyo in kale, laakiinse waxay kusoo beegmayaa xillli uu soo baxay khilaaf cusub oo ku saabsan cidda maamulaysa dekedda iyo garoonka diyaaradha ee Kismaayo, iyadoo shir ka dhacay Addis Ababa lagu go’aamiyay in maamulka labadan xarumood lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe ayaa arrintan si xoog leh ugu gacan-saray, isagoo sheegay in dekedda iyo garoonka Kismaayo ay la mid yihiin kuwa kale ee dalka ku yaalla, cid gaar ah oo lagu wareejinayana aysan jirin.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: