Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo Xalay la kulmay Wasiirro iyo Taliyayaasha Ciidamada ammaanka ee Qaranka.

RW-ShirdoonRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay la yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka wasiirro iyo taliyeyaasha ciidamada dowadda, wuxuuna isla xalay soo kormeer ku sameeya isgoysyada magaalada Muqdisho qaarkood.

Kulanka looga hadlay ammaanka ayaa waxaa joogay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka difaaca , agaaasimaha guud ee hay’adda nabad-sugidda, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, taliyeyaasha ciidammada Xoogga iyo booliska  iyo weliba abaan-duulaha ciidanka dalka iyo saraakiil sarsare.

Gabagabadii kulanka Mudane Saacid wuxuu ka hadlay ujeedka kulanka wuxuuna sheegay in diyaar-garowgii ugu dambeeyay ay dowladdu ku jirto, isla markaana uu soo socdo isbedel badan oo dhinaca ammaanka ah.

Sidoo kale markuu dhamaaday Kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiintii kulanka joogtay waxay kormeer ku sameeyeen 10-isgoys oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, si ay u soo arkaan howlgallo ay halkaas ka wadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa wuxuu Ra’iisul wasaaraha ku lugeeyay jidka Sodonka ee Muqdisho, waxaana halkaas ku ciyaarayeen dhallinyaro Soomaaliyeed, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu mid-mid u gacan-qaaday kana xog-wareystay xaaladda ay ku jiraan iyo sida uu yahay ammaankooda.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kaloo soo maray  Isgoysyada Beexaani, Sanca, Fagax iyo kuwo kale, isagoo isgoysyadaas kula kulmay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo waday howlgallo amniga lagu sugayo.

Dhanka kale Kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa muujinaya sida xukuumadda Soomaaliya ay uga go’an tahay wax-ka-qabashada amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ay xukuumaddu waddo qorshayaal lagu adkeynayo ammaanka guud ee dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: