Magaalada Kampala oo maanta ka Furmay Shirka Madaxweynayaasha ay Ciidamadooda ka Joogaan Soomaaliya.

shirka UgandaWaxaa maanta ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda shir ay wada yeelanayaan madaxweynayaasha ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud.

Shirka ay maanta yeelanayaan Madaxweynayaasha ciidamadooda ka howlgalayaan Soomaaliya ayaa noqonaaya kulan ka duwan kii wasiirada arrimaha dibadda, waxaana looga hadlayaa kulankanĀ  arimaha ammaanka iyo ciidamada AMISOM sidoo kale shirka waxaa yaala dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan.

Sidoo kaleĀ  Madaxweynayaasha ayaa ka wadahadli doona eedeymaha ciidamada Kenya ee looga gudbiyay midowga Africa oo ku aadan inay dhibaato ka geysteen dalka Soomaaliya, islamarkaanaĀ  la kala safteen kooxo ku dagalamay deegaanada Jubbooyinka.

Kulankan Ā ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo heshiis lagu wada yahay, waxaa la filayaa in kulankaasĀ  socon doonaa ugu badnaan muddo sadax maalmood ah, waxaanaĀ  shirkaan Ā ka soo qeyb galaya madaxda ka tirsan wadammada deeqda bixiyaa.

SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā  Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: