Madaxweyne Xasan oo Xalay la kulmay Madaxweyne Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan  iyo MussavenMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kampala ayaa labada madaxweyne waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah

Madaxweyne Xasan iyo Mussaven 1Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kulanka ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Fowzia Haji Yusuf Adam, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Farah Abdulkadir, Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Labada madaxweyne waxay ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha AMISOM, shirka maanta ka furmaya Kampala oo ay madaxda dowladaha ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya ay isagu imanayaan iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyey Museveni sidii diiraneed ee loogu soo dhoweeyey Kampala iyo qabanqaabada shirkan muhiimka u ah Soomaaliya. Madaxweyna Xasan ayaa sidii kale warbixin kooban ka siiyey dhigiisa horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu ku tallaabsatay 11kii bilood ee la soo dhaafay, kana codsaday Museveni sidii ciidanka Soomaaliyeed loogu heli lahaa tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay ugu sahlanaato inay amniga dalka hantaan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah. Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab, tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

Booqasho uu Madaxweynahu ku joogi Kampalaayaa lagu sheegay inay tahay labo cisho wuxuuna kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona shirka burrito ah.

SomaliSwiss      Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: